PM Welcome's Their resignation
Ridwaan Xirsi “Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin shaqada Ra’iisul Wasaaraha waxaa u furan inuu is casilo”
by A M | Tuesday, Nov 18, 2014 | 4700 views
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyay kulan aan caadi aheyn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada, kaasoo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed.
Mr Ridwaan ayaa sheegay in kulanka Golaha Wasiirada looga hadlay arrimo badan oo xaalada dalka ah, sida ammaanka, iyadoo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo kala ah hindise sharciyeedka xuduudaha iyo Federaalka iyo Hindise sharciyeedka doorashada oo ay soo bandhigtay Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay talo soo jeedin ka timid qaar ka mid ah Wasiirada ee ahaa inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in arrintaas uu cad yahay, isla markaana Ra’iisul Wasaaruhu horay uga hadlay, waxaana uu qiray inay jiri karto kala aragti duwanaan.
“Wasiirkii aan la jaan-qaadi karin Shaqada Ra’iisul Wasaaraha, waxaa u furan inuu is casilo, Ra’iisul Wasaaruhu markaas wuxuu soo magacaabayaa Wasiirkii bedela”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka.
Mar uu ka hadlay go’aanka Xukuumada ee shirkii Baydhabo ee loogu doortay Shariif Xasan inuu noqdo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay in Xukuumadu ay dib go’aan kaga soo saari doonto.
Kulankii Golaha Wasiirada ee uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goor sii horeysay isaga baxay ilaa 17 Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal, kuwaasoo warqad ay u qoreen Ra’iisul Wasaaruhu kaga dalbaday inuu is casilo.