Postby Murax » Mon Nov 24, 2014 12:05 pm
Jawaari oo joojiyey mooshinka C/WELI kuna dhowaaqay go’aan 10 qodob ah
November 24, 2014 5:34 PM0 commentsViews: 2580
Muqdisho (Caasimada Online) - Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari, ayaa goordhow soo saaray warbixin ku saabsan wixii maanta ka dhacaya xarunta golaha shacabka iyo dhibatada ka taagan mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay in gudoomiye Jawaari uu hakad geliyey mooshinka in mar kale la horgeeyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu saddex goor fashilmay, sida ku cad qodobka 10-aad ee warqadda soo gaartay Caasimada Online.
Sida qoraalka ku cad waxaa joojinta mooshinka loo sababeeyay inuu kala qeybiyay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya, taasi oo dhalisay in Jawaari uu ku dhawaaqo joojinta mooshinka inta laga xalinayo khilaafka ka dhex oogan xildhibaanada.
Si kastaba waxaa xusuusin mudan in Jawaari uu joojinta ku sheegay hakad oo kaliya, oo aanu gebi ahaanba diidin mooshinka
Qoraalka kasoo baxay Jawaari, oo ka kooban 10 qodob ayaa nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online ee hoos ka aqriso.