DEG-DEG WAR HADA SOO DHACAY XASAN SHEEKH OO FARMAAJO MAGACAABAY December 7, 2014
Waxaa hadda Villa Somalia ka socdo kulan u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno ka kala tirsan labada Gole.
Xog aan kullanka ka helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha uu la tashiyo la sameynaayo Xubnaha labada gole ee dowladda ku jira kana tirsan Dam-Jadiid oo iyagu Fakir ka dhiibanaayo qaabka ugu haboon ee lagu soo xuli karo R/wasaaraha Cusub.
Waxaa la soo warinayaa in Mas’uuliyiintaasi uu xiligaani miiska u saaran yahay Liis ay ku hardhan yihiin inkabadan 7-Mas’uul oo midkood laga dhigi doono R/wasaaraha dalka, ayna ugu cad cad yihiin (MOHAMED ABDULAHI FARMAAJO)
Kulanka ayaa bilowday Abaaro 6:15 subaxnimo ee saacadda GeeskaAfrica, waxaana ilaa iyo hadda fadhiyo Xasan iyo Xubnihiisa, inkastoo kulanka ay kusoo biirayaan Xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Madaxweyanaha.
Wararka waxa ay sheegayaan in madaxweynaha uu doonayo inuu si deg deg ah usoo magacaabo ra’iisul wasaare, si uu u qanciyo beesha caalamka, waxayna ubadantahay in uu isla isbuucan magacaabo Farmaajo





