Cayr, waxeey rabaan ineey hogaanka Maamulka Gobolada Dhexe qabsadaan, waxeey adeegsaniyaan hubka iyo magaca dowladda.
Maleeshiyada Ehlu-sunna Waljameeca iyo Maleeshiyadda Beeleedka huwan magacda Dawlada Federaalka ayaa guulo ka kala sheegtay dagaal khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac gaystay,kaasi oo 24-saac ee ugu dambeeyay ku dhexmarayay degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Xusseen Weheliye Cirfo oo u hadlay Maleeshiyo Beeleedka huwan magaca DFS ee la dagaalamay Maleeshiyadda Ehlu-sunna,ayaa sheegtay inay gacanta ku hayaan guud ahaan degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud,waxaana uu xusay in Dhuuso-mareeb ay ka sifaynayaan Maleeshiyadda Ehlu-sunna siduu hadalka u dhigay.
”Saaka markii Salaada la Tukaday ayaa waxay Weerar kuso qaadeen Ciidanka Dawlada,Ciidanka Dawladu waa isdifaaceen illaa Guriceel ayay Gurmad kaso sameeyen waana la jabiyay,Dhuuso Mareeb waa laga sifeeyay waxaa gacanta ku haya Ciidanka Dawlada”Ayuu yiri Cirfo waa siduu hadalka u dhigay.
Ehlu sunna-Waljameeca.
Afhayeenka Maleeshiyadda Ehlu-sunna Waljameeca Macalin Cabdiraxmaan Maxamuud oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay soo weerareen wax uu ugu yeeray Mooriyaan,waxaana uu xusay in muddo dhan Todobo sano ah ay gacanta ku hayeen Gobolka Galgaduud.
‘’Maamulka Ehlu-sunna ayaa halkan gacanta ku haya,maadama Dawladu ay Federaal tahay nimankana magacaas ayay ku qaraabanayaan,waa nimankii Shabeelada Hoose dhibaatada ka wadi jiray,hadana waxay doonayaan inay Qas ka gaystaan Galgaduud’’.Ayuu yiri Afhayeenku..
Wuxuu intaas ku daray ‘’….Nimankan ayaa damcay inay magaalada Qas ka gaystaan Culumada Ehlu-sunna ayaa ka hortagay,hadana qaybtii ugu dambaysay ayay maraysaa,waana soo Bandhigaynaa iyaga oo Maxaabiis ah’’.
Marka laga tago guulaha labada dhianc ay sheeganayaan,wararka uu Warsidaha Puntlandi ka helayno Galgaduud ay sheegayaan in inta badan degmada Dhuuso-mareeb ay gacanta ku hayaan Maleeshiyadda Ehlu-sunna Waljameeca,hasa yeeshen qayb ka mida h magaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyada huwan magaca Dawlada Federaalka.
Labada dhinac ayaa isu diyaarinaya in midba midka kale uu Liqo,waxaana arrintan Daaha-gadaashiisa ka tagaan Villa Soomaaliya,oo doonaysa in meesha laga saaro Ehlu-sunna Waljameeca,si loo dardargaliyo dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.