Dekad macmal ah ayaa laga bilaabay hirgelinteeda deegaanka Faax oo qiyaastii 50 km dhinaca waqooyi ka beegan Xarardheere.
Nabadoon Xaaji Xuseen Diiriye oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan in maalgalin waxtar leh lagu sameeyo deegaanka, isagoo sheegay inay kaalintooda ka qaadanayaan sidii uu mashruucan ku guulaysan lahaa.
C/llaahi Sh Axmed Cali maareeyaha mashruucan ayaa sheegay in hadda hawshu bilaabatay, islamarkaana ay halkan ka shaqo bilaabeen dad ka badan 150-Ruux, qaybo badan isugu jira, waxaana u u mahadceliyay maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dawlada Federalka Soomaaliya oo siiyay ogolaansho ay ku hawlgalaan.
Maxamuud Nuur Xasan Gudoomiayaha shirkadda ayaa sheegay in dhawaan ay filayaan doomaha ugu horeeya inay Faax ku soo xirtaan, isagoo xusay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u furantahay inay saami ku yeeshaan maalgashiga Dekadan.