Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

"Defense budget is now $57 mil. National budget was $47 mil when I took office." - President Silanyo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

"Defense budget is now $57 mil. National budget was $47 mil when I took office." - President Silanyo

Postby Adan_1 » Thu Feb 05, 2015 9:39 am

Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu shalay ka qaybgalay Sanad Guurada 21aad ee Ciidanka Qaran Somaliland oo lagu qabtay Kuliyadda tababarka saraakiisha ee deegaanka Dardarweyne.
Madaxweynaha oo markii uu halkaasi gaadhay ugu horayn salaan madaxweyne ka qaatay ciidanka qaranka Somaliland, ka dibna uga sii gudbay dhinaca kuliyadda, isaga oo xadhigga ka jaray mashaariic dhawra oo halkaasi uga hirgalay ciidanka qaranka sanadkii tegay ee 2014 ka oo ay ugu waa weynaayeen, Furitaanka guri ballaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyadda tababarka Dardarweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal.
Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu xadhigga ka jaray qolka shirarka kuliyadaha oo qaadi doona 250 Sarkaal, waxa kale oo uu madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.


Madaxweynaha oo ku guda jira mashaariicda kala duwan, wuxuu ugu danbayn xadhigga ka jaray hool weyn oo loogu talo galay inay 200 oo sarkaal ku cuntayn karaan kaasi oo ay u dhamaystirnaayeen guud ahaan qalabkii loogu talo galay, waxaanu mdaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Kuliyada, isaga oo faah-faahina ka siiyey taliyaha ciidanka qaranka Somaliland, Ismaaciil Shaqale.
Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markaasi ka dib waxa uu khudbad dheer ka jeediyay Xafladda loogu debaal-dagay sanad guurada 21-aaad ee aasaaska ciidamada Qaranka Somaliland. Waxaanu hambalyo u diray ciidamada iyo xaasaskooda iyo carruurtooda, isagoo Alle uga rajeeyay inay sanadkan kiisa kale u gaadhaan nabadqab iyo badheedhe.
Madaxwaynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay sidan "Maanta (Shalay) oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhammaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba. Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso. Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dib jira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.
Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.
Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.
Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida.
Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.

Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah” ayuu ku yidhi Madaxweynuhu khudbaddiisa.


Image

Image

Image

Image

User avatar
waraabe251
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3924
Joined: Fri Jun 13, 2014 3:20 am

Re: "Defense budget is now $57 mil. National budget was $47 mil when I took office." - President Silanyo

Postby waraabe251 » Thu Feb 05, 2015 9:50 am

it should be $100 million at least by 2018 and $150m by 2020

Rambie
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5689
Joined: Sat Mar 15, 2014 2:16 pm

Re: "Defense budget is now $57 mil. National budget was $47 mil when I took office." - President Silanyo

Postby Rambie » Thu Feb 05, 2015 9:53 am

And the weapons?

:pacspit:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests