Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Postby THE_TRUTH1 » Mon Feb 23, 2015 6:33 am

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dhismaha Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
by A M | Monday, Feb 23, 2015 | 2750 views




Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii looga qeyb qaadan lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo hadal heyntiisu aheyd mid aad u sii xoogeysaneysay tan iyo sanadkii hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay la hadlayay dadka reer Beledweyn, xilli isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti ay booqdeen ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan inay u diyaar garoobaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen hirgelinta nidaamka Federaalka ee haatan ka socda dalka.

“Waxaa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha Maamul loo dhan yahay iyo inaan diyaar u noqono hirgelinta maamulka Federaalka, waxaa soo socda dhismihii Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Maamul goboleedyada ay ka qeybq aadan karaa horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

“Waxaan rabaa in aad la tashiyo la yeelataan dadka ay talada idinkala dhexeyso si loo helo maamul qeyb ka noqda nidaamka Federaalka, talo ayaad ku leedihiin dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha maamul u sameynta gobollada dhiman meel fiican ayay marayaan, ee u istaaga sidii aad u badin laheedeen talooyinka ku aadan dhismaha maamul goboleedyada” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Inkastoo aan wali la iclaamin xilliga uu qabsoomi doono shirweynaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hadana waxaa labadii bilood ee la soo dhaafay si xowli ah u socday wada tashiyada iyo kulamada laga lahaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la filayo in inta aanu dhamaan sanadkan in la dhiso.

Maamulka Gobolada Dhexe ayaa la filayaa in 1-da bisha Maarso la dhiso, iyadoo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas ay ka dhici doonto degmada Cadaado, halkaasoo ay isugu tagi doonaan ergada dooran doonta Madaxweynaha Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Waachis and 18 guests