Page 1 of 1

Middle Shabelle the most peaceful region in the south

Posted: Mon Mar 09, 2015 11:33 am
by AbkoowDhiblaawe
Hay’adda ZamZam ayaa ku soo bandhigtay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe xog ku saabsan qilaafaadka iyo nabada oo ay ka soo uruuriyeen gobolada dalka Soomaliya.

Xog ururinta iyo cilmibaarista ay sameysay hay’adda ZamZam ayaa waxaa ay socotay muddo hal sano iyo bar ah, waxaana maanta lagu soo bandhigay kulan ballaaran oo lugu qabatay hotelka Suubiye ee magaalada Jowhar.

Kulanka lagu soo bandhigayay xog uruurinta iyo cilmi baarista ay samaysay Hay’ada ZamZam waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida nabadoonada, dhalinyarada iyo haweenka ku dhaqan magaalada Jowhar.

Hay’ada ZamZam ayaa xog ururinteeda ku sheegtay in gobolka Shabeelaha dhexe baaris kadib ay usoo baxday in uu yahay gobolka ugu xasiloon gobolada ku yaala bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/Dhexe dhanka arrimaha bulshada Muxumed Sugaal Cismaan iyo duqa magaalada Jowhar Saalax Muudey Cali ayaa ugu mahad celiyay hay’adda Zamzam shaqada wanaagsan ay qabteen uguna hambalyeeyay shacabka gobolka Shabeelaha Dhexe natiijada cilmi baarista ka soo baxday.

Ugu danbeyntii waxaa kulanka la isku afgartay in la sii xoojiyo ka shaqeynta nabada iyo isdhexgalka bulshada, waxa ayna balan qaadeen maamulka iyo shacabkaba in ay gacmaha is qabsanayaan ayna ka shaqeyn doonaan horumarinta iyo nabad galayada gobolka Sh/dhexe.

Re: Middle Shabelle the most peaceful region in the south

Posted: Wed Mar 11, 2015 11:56 am
by 1moonlight
i am not surprised that Shabeelada Dhexe is the most peaceful.

waxaa meesha amaankeeda sugo wiilashii Maxamed Dheere AUN, Bashiir Raage, Cumar Finish, Axmed Daaci iyo my favourite warlord Al Ustaad Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow xafidulaahi.

ninkii Shabeelada Dhexe qas ka bilaabo shini camal aa loogu shamuumaa.

Shabeelada Dhexe is so peaceful now that Abgaal's are keeping busy by rehabilitating Dolphins.

White people and Mudulood love Dolphins, just saying no disrespect :up:

Re: Middle Shabelle the most peaceful region in the south

Posted: Wed Mar 11, 2015 6:23 pm
by XimanJaale
Alhamdulilah

Re: Middle Shabelle the most peaceful region in the south

Posted: Wed Mar 11, 2015 6:31 pm
by AbkoowDhiblaawe
i am not surprised that Shabeelada Dhexe is the most peaceful.

waxaa meesha amaankeeda sugo wiilashii Maxamed Dheere AUN, Bashiir Raage, Cumar Finish, Axmed Daaci iyo my favourite warlord Al Ustaad Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow xafidulaahi.

ninkii Shabeelada Dhexe qas ka bilaabo shini camal aa loogu shamuumaa.

Shabeelada Dhexe is so peaceful now that Abgaal's are keeping busy by rehabilitating Dolphins.

White people and Mudulood love Dolphins, just saying no disrespect :up:
:dead:

Ximanjaale inshallah somalia dhan will be peaceful :up: