Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

GAM´I WAAYEY SOOMAALIYEEY GOCASHADIINIIYE:

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
nasradiin32
Posts: 55
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: from

GAM´I WAAYEY SOOMAALIYEEY GOCASHADIINIIYE:

Postby nasradiin32 » Fri Apr 03, 2015 6:20 am

GAM´I WAAYEY SOOMAALIYEEY GOCASHADIINIIYE:

GABAY;
markii aan gabay arkay oo aan akhriyey waxaan aad isu waydiiyey ugana fikiray inta uu leegyahay faraqa u dhaxeeya 1945 oo abwaanku gabyayo xaaladda soomaali ku sugnayd ee uu ku caananayo iyo 2015 xaalada soomaali ku sugan tahay iyo inay 10 dawladood oo kala duwana kalana hadaf ah noqotay,

Bal ila akhriya qisada gabayga iyo abwaanka ilaahay ha u naxariistee;

Cali xussen oo ku magac dheeraa Cali-makaadsade, wuxuu ku dhashay magaalada Burco 1931-dii. Cali Aabihii kuma garaadsan hooyadiina asagoo shan jira ayey dhimatay.

Taniyo toban iyo afar jirkiisii Cali waxaa soo koriyey eheladiisii, , gaar ahaanna ina habreedkii. Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday sanadkii 1976.dii.

Gabayga wuxuu bilaabay markuu siddeed iyo toban jirsaday, wuxuuse gabaygiisu xoogaystay markuu soddon iyo laba jirsaday.

Sida la ogsoon yahay sanadku markuu ahaa 1945-tii waa waagii dhaqdhaqaaqa gobanimodoonku uu aad u sara kacaye, Cali hadduusan u sidan ragga gabya wuxuu ka mid ahaa ragga waqtigaas gabyaaga Soomaaliyeed kuwa ugu cad cad.

Cali gabayadiisu waxay badnaayeen kuwa wadaniyadeed oo ficil Soomaaliyeed saameynaya iyo kuwa guubaabo iyo dal jaceyl tusaaleynaya,

Cali Xusseen oo ka gabyi jiray halganka gobanimodoonka, wuxuu kicinta, tusaalaha, baraarujinta, guubaabada madaxbanaanida Soomaali meel ay joogto iyo gobol ay tahayba u taagnaan jirey Naadiga Xisbigii Leegada ama S.Y.L. ee xorriyadda Soomaalida horseeday.

Wuxuu kaloo gabayadiisa kaga hadli jiray:

1.Midnimada Soomaaliya.
2.Ka-koridda maangaabnimada qabyaaladda iyo ku dhaqankeeda.
3.Kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin halganka gumeysi diidka ee Soomaaliyeed
4.Wax qabadka iyo iskaashiga.
5.Guulaha waxqabad ee siyaasadeed ee ay Leegadu gudaha iyo dibaddaba ka gaarto.
6.Horumarka dunida sidii loo tiigsan lahaa, dadyowga kale ee horumarayna loogu dayan lahaa.
Gabayga soo socda Cali wuxuu tiriyey sanadkii 1945-tii iyadoon Itoobiya Howd gacanta ku dhigin Ingiriiskuna ka balan qaaday.

Ciil iyo caro darteed wuxuu gabayga ku tilmaamay inuu lix waxyaalood yahay ama la mid yahay, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed tusaale ka siiyey inay gunnimo weyn tahay in Soomaalidu ay goroda rogato oo aysan gobonimadooda u sarakicin.

Alle ha u naxariistee Lixduu iska dhigay inuu la mid yahay waxay kala ahaayeen sidaan hoose:

1.Oday gablan ah oo habeensaday.
2.Naag gaari ah oo ninkay jeclayd ka dhintay, mid aysan raali ka ahayna lagu dirqinayo.
3.Geel harraad la golongolaya oo ninkii lahaa iyo nirgihiiba gabay,
4.Libaax inta gantaali wareentay aad u xanuunsaday, oo aan wixii ganay arkayn.
5.Nin aan garab lahayn oo shisheeye gar eexo ku naqeen waa sida hadda Soomaali tahaye: iyo
6.Naakhuude doon camiran badweynta kaga jabtay asaysan wali degin oo waxa haysta ka murugeysan.
Wuxuu Cali tixdii Gam´i waayey ku yiri sidan hoose:



Gabaygaan rakibay iyo dhulkaan xalay garaacaayey
Gurxanka iyo riinkaad libaax go´aya moodaysey
Gam´i waayey Soomaaliyeey gocoshadiiniiye.


Sida oday gablamay oo wuxuu dhalay gargaareynin
Oo fiid garkiyo labada low meel iskugu geeyey
Gam´i waayey Soomaaliyeey gocoshadiiniiye.


Sida Gaari kii qabay dhintoo galab la sii qaaday
Oo goroda loo surey middaan gabadhu dooneynin
Oo geeridiisii ilmada gabax ka siineysa
Gam´i waayey Soomaaliyeey gocoshadiiniiye.


Sida Geel harraadoo mudkii geri ka dhuubnaaday
Oo goray ninkii maali jirey godol ka soo waayey
Oo golongol waa lagu hubaaye gabanta diidaaya
Gam´i waayey Soomaaliyeey Gocoshadiiniiye.


Sida Aar gamuun lagu dhuftoo gubayo waabeygu
Aan geesta ka arkayn wixii nabarka gaarsiiyey
Oo meel gawaana u baxoo miciyihii giijey
´Gam´i waayey Soomaaliyeey Gocoshadiiniiye.
Sida geed nimaan garab lahayn lagu gureynaayo
Oo waxaan gartiisii ahayn guudka laga saaray
Oo ciil la goodaadsadoo goroda laalaadshay
Gam´i waayey Soomaaliyeey gocoshadiiniiye.


Sida doonni maal lagu guroo gurada loo buuxshey
Oo ay shukaantii geb tiri gabalna naafoobey
Oo geesigii wadey hammiyey guuldara haysa
Gam´i waayey Soomaaliyeey gocoshadiiniiye.


Afartaa guntaye talo waxaan idinku gawdiidshey
Gol-dalooladiinaan arkaa garana maysaane
Waxii nala gudboon maanta waad garab maraysaane
Gurigaada aad leedahee gogoshu kuu taallo
Gowraha adoo uga baxaa waa gunnimo weyne
Godkii Nagu daboolnaan jiree nalaku gaadaayey
Garaad yeelanoo eebahay goofki naga saarye
U guntadda xornimadii haddaad gacan ku haysaane.


Gaadiidku heeryada mar buu gudub u tuuraaye
Nin guhaah qabaa maalin buu dabarka gooyaaye
Biciidkuba ka soo guluf Dameer geesa loo xiraye
GEEDDIGA MIYEYNAAN ARKEYN LA ISKU SOO GUURYE?
DHAMMAAD
Gabaygaan waxaan u soo qaatay in Soomaalidu ay joogto meel aad uga xun halkii ay joogtay 1945-tii iyo ka xun , xoriyadoodii yareyd ee ay haysteena halis ku jirto.

Taariikhdu dib ayey isku soo celisay laakiin ragii markaas joogay dib uma soo noolaanayaan, waxaanse ilaahay ka rajeynayaa inay soo baxaan rag u midnimada soomaaliya kana dhiidhiya gunimada iyo xaaladda aadka u liitada ee soomaali ku jirto taas oo khatar wayn ku ah jiritaanka jinsiga soomaali meel kasta oo uu joogo

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 27 guests