Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda
Posted: Sat Jun 06, 2015 10:47 pm
part 1
Masuuliyadda Dhibaatada Shacabka La Xasuuqay Waxaa iska Leh Itoobiya iyo U-adeegayaasheeda
Soomaalaay is moogeey, iyadu iska adageey, ayaantii la joogaba is-oof-wareemaay…Waxaa intaasoo dhan ka daran ”iilka kii dhigay u ergootaay!!!”.
Dagallada qabiilku way soo noqnoqdeen, balse kuwani waxay kaga duwanyihiin waxaa ka qayb qaatay uadeegayaasha Itoobiya ee kala ah ”Ahlu sunna” iyo ”Liyuu Boolis” . Soomaalida damiirka leh way ka damqatay waxa meeshaas ka dhacay shacabka labada dhinac ku dhintay. Laakiinse dadka wax magaratada ah qaar ayaa meelahaa kaga doodaya in arrinku yahay qabiil xasuuqay mid kale oo Soomaaliyeed. Ma dafirayno in laba qabiil oo walaalo Soomaaliyeed oo Muslimiin ah wax kala gaadheen, mana caddayn karno midkii gardarrada lahaa billowga. Waxaase muuqata in labada dhinacba ay la soo kala safteen laba ciidan oo labaduba adeegsanaya hub iyo ciidan ay jiritaankiisa iyo abaabulkiisaba ka dambaysay Itoobiya. Itoobiya aad ayay u qoslaysaa caawa iyadoo aan filayno inay ku sheekaysanayaan ”isu gayn waa imisa?” yacni ”ma kala jeclin Soomaali is dishaye wadartooda dhimatay fara badnidooda ayaan ku farxaynaa”: sidaas ayay caawa Itoobiya leedahay ayaan filaynaa. Waxay taas Itoobiya uga sii farxad badantahay sida ay ugu guulaysatay inay colaad u dhex dhigto dad walaalo ah oo iyadu ay u aragto inay midnimadoodu hasli ku tahay iyada jiritaankeeda.
Waxa dhacay masuuliyaddiisa waxaa iska leh Itoobiya iyo inta u adeegta gaar ahaan Cabdi M Cumar, sii hayaha Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida oo isagu amarka siiya Liyuu Boolis, iyo ”Ahlu Sunna” oo iyana dagaalka soo gashay.
Farriin ku socota Soomaalida lagu xasuuqay Galgaduud iyo Hiiraan
Walaalayaal Haddaan nahay Soomaalida ku nool Deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed dhibka idinka soo gaadhay Liyuu Boolis waan ka xunnahay. Waxaan aad uga xunnahay dhiig Soomaaliyeed oo gacan Soomaali sheeganaysa ku daadanaya. Walaalayaal idinku digan mayno, waxaanse jecelnahay inaad fahantaan dhibkan idin soo gadhay annaga shacabkeenna wuxuu haystaa maalin iyo habayn. Waxaa Qoriile, Malqaqa, Xarshin iyo meelo kale oo badan lagu xasuuqay hooyooyin iyo gadhcaddaa guudku casaaday iyo carruur. Waxaasoo dhan iyadoo cidna koob shaah ah saxar kaga ridin ayaa loo xoog sheegtay oo illaa hadda labi Cali cid iska waydiinin. Itoobiya iyadaa nagu soo daysay haawaydan aan u kala aaba yeelayn carruur iyo cirroole.
Walaalayaal kuwan kuwan Itoobiya ugama dacwoon karno illeen iyadaa nagu soo fasaxdaye. Caalamka maanta jirana waxaa looga taliyaa meelo uu Ingiriisku ka mid yahay. Walaalayaal Ingiriisku iyagaa lacagta lagu tababaray iyo mushahaarkoodaba bixiya nimankan. Marka xalku wuxuu ku jiraa inaan Liyuu Boolis loo arkin qabiil kusoo duulay qabiil kale ee loo arko inay yihiin calooshood u shaqayste loogu tala galay in xabadda loo dhigo laguna abuuro is nacayb ka dhex aloosnaada Soomaalida si ayna abid u heshiin.
Sidaa darteed walaalayaal dhibka idinku dhacay waan ka xunnahay ee idinkuna garaaba oo hanoo aananynina Liyuu Boolis haddaan nahay qabiilooyinka kala duwan ee Deegaanka Soomaalida ku nool.