this is al shabaab supported website recognizing FG and axmed madoobe is just dagaal ooge
Baarlamaanka DF-ka oo kala Diray Baarlamaankii Maamulka Dagaal Ooge Axmed Madoobe.
Waxaa lasoo gaba gabeeyay dood ka taagneed jiritaanka baarlamaan ku sheegga maamulka isku magacaabay Jubbaland ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Kadib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen boqolaal katirsan xildhibaanada baarlamaanka DF-ka ayay ku ansixiyeen in lakala diro baarlamaanka maamulka Axmed Madoobe.
Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka DF-ka ayaa ku dhawaaqay in cod haldheeri ah oo loo qaaday sharci ahaanshiyaha baarlamaanka "Jubbaland’ uu kusoo idlaaday 132 xildhibaan oo kalsoonida kala laabatay halka 6 xildhibaan ay diideen.
Buuq iyo sawaxan ayaa hareeyay hoolka baarlamaanka ee magaalada Muqdisho,tobaneeyo xildhibaan oo taageersanaa in kala diro maamulka Axmed Madoobe ayaa dabaal deg ka dhigay gudaha hoolka baarlamaanka halka xildhibaano taageersan maamulka "Jubbaland” ay iyana buuq iyo sawaxan ku dhaqaaqeen.
Kala diridda baarlamaanka maamulka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa khilaaf hor leh kala dhax dhigi doona maamullada dabadhilifyada ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Kismaayo.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
somalimemo@yahoo.com
http://somalimemo.net/articles/2959/Baa ... ed-Madoobe




