Ergada Cadaado oo ansixiyay in G/ Mudug ka tirsan yahay Maamulka G/Dhexe (Wareysi)

Cadaado (KON) -- Ergada Shirka Maamul U sameynta Gobolada Dhexe ayaa qalinka ku duugay, oo ansixiyay in Gobolka Mudug oo idil inuu kamid yahay Maamulka Gobolada Dhexe.
Teaser Image Ergada Cadaado oo ansixiyay in G/ Mudug ka tirsan yahay Maamulka G/Dhexe (Wareysi)
Ergada oo ku guda jira ka doodista & ansixinta Dastuurka KMG ah ee Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa Shalay u cadeeyeen Caalamka & Bulshada Gobolada Dhexe in Gobolka Mudug uu kamid ah Maamulka Cusub ee ay dhisayaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa sheegay in Ergada Go'aan kasta oo ay gaaraan uu yahay mid Sharci ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Gobolka Mudug uu kamid ah Maamulka Gobolada Dhexe.
Go'aanka Ergada ay soo saareen, ee ku qormay Dastuurka Maamulka Gobolada Dhexe ayaa wuxuu Dhabar-jab weyn ku ah Qorshaha Puntland ay ku doonayso in Waqooyiga Mudug aan lagu darin Maamulka loo dhisayo Gobolada Dhexe.
Ergada ayaa la filaya in Sabtida soo socota ay ansixiyaan Dastuurka KMG ah, si ay ugu gudbaan qeybaha kale ee Maamul dhisada sida Caasimadda, Calanka & Dhisida Baarlamaanka.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho






