Mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo la horgeynayo Baarlamaanka Dowladda Dhexe
Published on June 24, 2015 by Maalik Som · No Comments Muqdisho ( Sh.M.Network)-Muuse Sheekh Cumar oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ku tilmaamay qaabka loo soo xulay Golaha Wakiilada Maamulka Galmudug uu yahay mid aan sharci ahayn.
Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in beelo badan oo daga labada Gobol ee Maamulka uu matalo aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Maamulkaasi sida Xildhibaanada taasina ay ka fogtahay cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.
“ beesha aan anigu wakiilka u ahay oo degta Balanballe , Cabudwaaq illaa miyiga ma aysan helin xuquuqdooda” ayuu yiri Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar.
Mudane Muuse Sheekh Cumar ayaa carabka ku dhuftay in maalmaha soo aadan ay qorsheynayaan in mooshin codka kalsoonida loogu qaadayo Baarlamaankaasi Galmudug ay horgeynayaan Baarlamaanka dowladda dhexe.
Ugu dambeyn Xildhibaanka ayaa tibaaxay in uu aad uga xunyahay Gobollada dhexe oo soo maray dagaallo iyo dhibaatooyin fara badan inaan qaab cadaalad ah loo marin maamul u sameyntooda.
Si kastaba dhawaan ayey ahayd markii guddiga farsamada shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ay soo bandhigeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ay sheegeen in Ergada ka qeyb geleysa shirkaasi ay soo xuleen.
http://shabellenews.com/?p=7739




