Shir maamul loogu sameynayo Hiiraan, Galgaduud iyo koonfurta Mudug oo maanta ka furmaya Dhuuso Mareeb.
(Galgaduud) Magaalada Dhuusemareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta ka furmaya shir maamul loogu sameynayo gobolka Galgaduud, hiiraan iyo koonfurta gobolka Mudug.
Sargaal katirsan Ahlusuna Waljamaaca oo lagu magacaabo Maxamed Mursal ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in dadka dega gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo koonfurta Mudug ay ka tashanayaan masiirkoodii iyo mustaqbalka deegaanadooda.
Sargaalkaan oo qaabilsan arrimaha bulshada ayaa sheegay inuu fashil kusoo dhamaaday shirkii Cadaado ka socday, isagoo dowladda federalka ku eedeeyay inay iska horkeenayso dad wada gobolada dhexe oo muddo dheer nabad kuwada noolaa.
Shirkaan waxaa ka qeyb galidoona xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Federalka Soomaaliya iyo xildhibaano dhawaan lagu dhaariyay Cadaado oo la sheegay inay ku qanci waayeen faro galinta Xukuumada Muqdisho.
Filo goor dhow codka Mas’uulka Ahly Synna u hadlay.




