Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somali Arm force are taking over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Somali Arm force are taking over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Postby THE_TRUTH1 » Thu Jul 02, 2015 9:41 am

Saldhiggii afaraad oo ay AMISOM ka baxday, Garoonka Dayniile oo ay banneeyeen - Ceelmacaan Online

Saldhiggii afaraad oo ay AMISOM ka baxday, Garoonka Dayniile oo ay banneeyeen
Waxaa La Daabacay Monday, June 29, 2015,


Ciidamada AMISOM ayaa xalay ka guuray garoonka dayuuradaha degmada dayniile ee gobolka Banaadir oo ay degenayeen sanadihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay iney arkayeen Ciidamada AMISOM oo saqdii dhexe ee xalay isaga guuraaya garoonkaasi oo aan la garanayn baahida ku keentay inay ka tagaan.

Ciidamada militariga dowlada Somalia ayaa isla xalay degay garoonka degmada dayniile, si uusan Al-shabaab ugu gacan gelin, iyagoo galay difaacyadii ay lahaayeen ciidamada AMISOM ee halkaas ka guuray.

Taliyaha guutada afaraad ee ciidanka XDS Jen. Maxamed Aadan ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Garoonka dayuuradaha dayniile kaasoo uu gacanta ku hen jiray hogaamiye kooxeedkii hore Maxamed Qanyare Afrax.

Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale xalay ka guuray fariisin ay ku lahaayeen degaanka Lafoole oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.


Jahwareer xoogan ayaa ku dhacay ciidanka AMISOM tan iyo markii Jimcihii ina dhaafay ay xoogag taabacsan Al-shabaab cagta mariyeen xero milateri oo ay ku lahaayeen degaanka Leego, weerarkaas oo lagu dilay ugu yaraan 70 ka mid askarta Burundi.
Last edited by THE_TRUTH1 on Thu Jul 02, 2015 9:50 am, edited 3 times in total.

THE_TRUTH1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1512
Joined: Thu Nov 24, 2005 9:01 pm
Location: canada

Re: Somali Arm force taking Taken over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Postby THE_TRUTH1 » Thu Jul 02, 2015 9:44 am

Ciidamada AMISOM oo Cabsi Owgeed u faarujiyay Deegaano hor leh oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee ku sugnaa Gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan kadib markii Al-Shabaab Weerar xoogan oo lagu dilay in ka badan 50-Askari ku qaadeen Deegaanka Leego.

Ciidamada AMISOM ayaa waxii weerarkaasi ka dabeeyay bilaabay in ay kabaxaan Deegaano katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay horey ugu sugnaayeen, waxaana hada soo baxaya in ay faarujiyeen deeganao hor leh oo katirsan Gobolkaasi.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ow-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamadii AMISOM ee halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen, waxaana deegaankaasi hada kusugan Ciidamo katirsan booliiska iyo Milatariga Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee deegaanka Ow-dheegle Xasan Salaad ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka guureen halkaasi iyaga oon kusoo wargalin, waxa uuna intaa raaciyay in ay ka warheleen kaliya Ciidamada AMISOM oo Deegaanka ka guuray.


Waxa uu tilmaamay Taliyaha in Hada amaanka Deegaanka Ow-dheegle ay gacanta ku hayaan Ciidamada Milatariga iyo kuwa booliiska Soomaaliya, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay in Ciidamada AMISOM sabab la'ana ay deegaankaasi uga baxeen.

Ciidamada AMISOM ayaa baneeyay deegaano dhoor ah oo kuyaala gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana arimahaasi loo sababeeyay cabsi lasoo daristay Ciidamada AMISOM kadib weerar saacado kooban socday looga dilay in ka badan 50-askari oo ku sugnaa saldhig ay ku lahaayeen Deegaanka Leego.

User avatar
GIJaamac
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4962
Joined: Thu Apr 12, 2012 2:05 am

Re: Somali Arm force are taking over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Postby GIJaamac » Thu Jul 02, 2015 9:54 am

Those coward monkeys want al-shabaab to be back in the places they vacated. Fuckin bastards mashruuca inay usii socoto ayay rabaan.
Last edited by GIJaamac on Thu Jul 02, 2015 10:50 am, edited 1 time in total.

User avatar
BlueBlood
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1897
Joined: Sat Dec 06, 2014 11:28 am

Re: Somali Arm force are taking over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Postby BlueBlood » Thu Jul 02, 2015 10:25 am

war alshabaab hubkii burundianka bey ka dhaceen :shock:

User avatar
gambit
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 432
Joined: Sun Apr 27, 2014 4:46 pm

Re: Somali Arm force are taking over AMISOM bases As African Soldiers get ready to leave

Postby gambit » Thu Jul 02, 2015 10:43 am

Amisom projected departure date. 2052.
:troll:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 26 guests