Beri baan macalin shaqo qaran ka ahaa meel Beri ka tirsan, galabtiina waxaan dadka waawayn u dhigi jiray carabi, maalin maalmaha ka mid ah baa waxaa dhacay; Anigoo dadka waawayn carabiyii baridiisa ku dhex jira baa waxaa ina soo dul istaagay oday dhaxal beedaajiyanimada leh "throne prince" suu yiri: Macalin hore inoo dhaqaaji oo carabi waa wayn ka hadal, runtii annigu uma aanan jawaabin ee howshaydii baan iska watay.
Waxaa dhacay marka inuu u jawaabay nin shaqaale dowlad ka ahaa degmada oo aan dhalasho ahaan ka soo jeedin, oo beeldaajihii ku yidhi; warninyohow fasalka maba timaadide maxaa kaagalay, innagu sidaan baan ku qanacsanahay ee ina daa; Saa beeldaajihii intuu xanaaqay isagoo yasaya ninkii ku yidhi; Qashin walba dagmadeena waa lahu soo xaaqi jiray, mardambena iima jawaabi karaysid, inta badan ee ardadayda ayaa ninkii ku tidhi; War beeldaajaha waa xanaaqee hadaldambe ha u celin. "GARDARO GARAB OG IYO GAAJO GURI OG MIDNA KAAMA WEECDO"
Axmaq Madoobe inta Ethopianka kaashaday ayuu yidhi Gobta GEDO ila heshiisiiya; Madaxdii Gedo waa laga warhayaayoo Baardera Itopia la xoreysay, iyadoo abaalkaa loogalay ayey numarkooda xigsadeen oo yidhaahdeen shantan qodon Axmed Madoobe waa inuu saxiixaa, haseyeeshee Madoobe qodobadaa waa ka booday inuu diiduu isku dayey, waxaase gaar ula baxay Saraakiil ethpian ah iyo kuwo lagu sheegayey IGAD, hoprta shanka qodob waxay kala yihiin:
1. In doorashada Jubba dib loo dhigo,
2. In dhulka gacanta shabaab ku jira " Jubbada Dhexe" la xoreeyo.
3. in baarlamaanka Jubba dib loo saxo.
4. In dastuurka dib loo saxo.
5. In caasumadda Jubba dib loosaxo.
Axmad madoobe markii uu qoonsaday qodobadaa dadkaan kor ku soo sheegnay baa gaar ula shiray, wuxuuna ka soo baxay isagoo dhoola cadeynaaya oo yidhi shanta qodob si wadajir ah baan u qaatay "Waxaan Doolow la'iiga soo sheegay in Ithiopianka niyo IGAD ay Axmed Madoobe kula taliyeen waa qaatay inuu yidhaahdo salaan gacmaha laysgeliyo, hadhowna sida uu jecelyahay u dhaqmo oo uusan waxba kasoo qaadin HESHIISKA SHANTA QODOB.
ikADIB MAXAA DHACAY? Waalaysa salaamay waana laysa sawiray heshiis guul ah baa dhacay baa meediyaha loo sheegay, mar alla maekii la kala dhaqaaqay Axmaq madoobe wuxuu ku hantaaqay, waxaan casilay Governorka Gedo Ethiopiankana waxay isku dayayaan inay reer Gedo gardaduub u hayaan, Axmaq madoobana axmaqninadii wuxuu ku darsaday MUNAAFAQNIMO, XADIISKA Nabigeena suubanaa wuxuu ahaa "Munaafaqa saddexna lagu garto waxaa ka mid ah IDAA WACATA AQLAF". GARDARO GARAB OG IYO GAAJO GURI OG MIDNA KAAMA WEECDO.



