: C/wali gaas oo daabacay Lacag been abuur ah, Galmudug oo gubtay Iyo DAWLADA Federaalka oo ka qaylisay
Sep 5, 2015 - 245 Aragtiyood
Ciidamada Amaanka ee Maamulka Galmudug oo howl-galo ka fuliyey magaalada Gaalkacyo ay gacanta kusoo dhigeen Lacago shiling Soomaali ah oo been Abuur ah, ayaa sidoo kale dab qabadsiiyey, Waxaana faah faahin ka bixiyey Tirada Lacagta ay soo qabteen Iyo Nooca ay tahay Duqa magaalada gaalkacyo Bile Diini Cali.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhinaca Kale Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay tahay arrin laga xumaado in Puntland oo ka mid ah tiirarka nidaamka Federaalka, hadda laga soo saaray lacag sharci darro ah, taasoo dhaawaceysa dhaqaalaha Puntland iyo kan dalkaba, iyadoo ay socdaan dadaallo bankiga dhexe ee Soomaaliya uu wado, isagoo kaashanaya Hay’ado caalami ah oo ah daneynaya sidii waqti nidaamsan oo ugu haboon loogu dhaqan gelin lahaa soo saaridda lacagta shilin Soomaaliga oo tayo leh, waxaa socda heshiisyo Soomaaliya la gashay sanduuqa lacagta adduunka (IMF) oo u horseedeya nidaaminta dhaqaalaha wajiyadiisa kala duwan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAAL DAWLADA OO KA QAYLISAY LACAGTA
Si dalka ficil ahaan dib ugu laabto nidaamka maaliyadeed ee adduunka iyo in laga cafiyo daymaha faraha badan oo Soomaaliya lagu leeyahay, taasoo ah sida kaliya oo lagu xaqiijin karo mustaqbal horumar leh, lacag si sahlan loo soo daabaco waxay wiiqeysaa heshiisyadaasi muhiimka ah.








