Hawadle intra fighting in Beledweyne
Posted: Fri Nov 20, 2015 8:51 am
This madaxweyne ciise on madaxweyne ciise violence is why Beledweyn is not suitable for being the capital of Hirshabeelle. 

November 20 (Jowhar)— Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii dabley hubeysan ay xirteen qeybo ka mid ah wadooyinka magaalada.
Wararka ayaa sheegaya xiisada ka taagan magaalada ay daba socdo dilkii sarkaalkii u shaqeynayay Hey’adda Mine Action, kaasoo horaantii todobaadkan lagu dilay Beledweyn.
Dadaalo xal looga gaarayay xiisada ka dhalatay dilkaas ayaa ka socday magaalada, inkastoo aan lagu guuleysan.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir iyo xubno kale oo ka mid ah Guddiga dowladda u saartay baaritaanka dilkaas ayaa ku sugan magaalada Beledweyn,
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo taabacsan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ay iyana soo buuxiyeen qeybo ka mid ah magaalada, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan inay iska hor imaadyo dhacaan.
Sidoo kale waxaa magaalada ka socda banaan bax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, waxaana dadweyne careysan ay isugu soo baxeen wadooyinka.
Mid ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inuu toogtay sarkaalka ka tirsanaa Hey’adda Mine Action, iyadoo la sheegay inay horay isugu dhaceen Guddoomiyaha iyo ninkaas.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
jowhar.com

Find an other way to retaliate with warsheekh. Waad waalatayee!