PUNTLAND OO SHEEGTAY INAY DIYAAR U TAHAY WADA HADAL AY LA GASHO GALMUDUG -
Iyadoo shalay dagaal uu ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, dagaalkasi oo u dhaxeeyay ciidamo ka kala tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa Maamulka Puntland wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo cadde ayaa sheegay dhanka Puntland inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Maamulka Galmudug.
Waxa uu tilmaamay inaysan marnaba dooneyn dagaal iyo arbushaad midna, islamarkaana hadii xubno ka socda Galmudug oo wada hadal u socda ay arkaan ay soo dhaweynayaan.
“Puntland waxa ay diyaar u tahay in ay la hadasho Maamulka Galmudug oo Puntland waligeed ma raadin Colaad Nabadda ayey ka shaqeysaa.”ayuu yiri Soo cadde.
Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa degan, kadib dagaalkii shalay dhacay, iyadoo Odayaasha Magaalada ay wadaan waan waan la xiriirta sidii xiisadaha taagan loo xalin lahaa.
Magaalada Gaalkacyo ayaa u kala qaybsan labo dhinac oo ay ka kala arimiyaan Maamulada Galmudug iyo Puntland.





