
Xabadii ka Socotay dhanka Xaafada garsoor iyo israac aya Waxaa soo afjaray Ciidanka Dowlada Galmudug waxaana ciidanka Galmudug ay hada gacanta ku hayan Xaafadahasi oo la Shegayo in ay Buuxaan ciidamo aad u farbadan oo galmudug ka tirsan Kuwaasi oo meesha ka saaray ciidankii puntland ee xafadaasi joogay

Muqtaar Sh Cabdi oo ka Mid ah Siyaasiyin horay Xil Agaasime uga Soo Qabtay Dowlada Galmudug ayyaa Goor dhaw Waxa uu waraysi Gaar ah siiyay Warbahinta hobyomedia.com waxaana uu tagay Goobo Muhiiim ah oo ciidanka dowlada galmdug ay la wareegeen sida xafada garsoor , xaafada israac, warshad galey, suuqa wayn ee gaalkacyo iyo sidoo kale cagaarweyne halkaasi oo ciidanka galmudug uu kula soo kulmay
Waxa uu tilmaamy in Xabada hada ay u waregaty dhanka airporta gaalkacyo oo uu shegay in ciidanka galmudug ay soo afjarayaan madama ciidanka galmdug halkaasi madaafiic looga soo ridayay waxaana uu shaaca ka qaaday in xabada wali dhanka airportka ay ka qiicayso . Warbaahinta Hobyomedia.com waxa ay sidoo kale la hadasay saraakiil ku sugan xafada garsoor waxaana ay inoo shgeen in xaalada ay dagan tahay shacabka halkaasi ku harayna ay sidoo horey oo kale ciidanka ay ula dhaqmeen oo aan dhibaato loo gaysan.
Halkan Hoose ka dhageyso codka Muqtaar oo xaalda gaalkacyo ka waramaya






that's an old photo
