WAR DEG DEG AH:- Madaxwaynaha Puntland oo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Dawlafdda Puntland ayaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug , waxaana xilkaas loo magacaabay Xasan Maxamed Khaliif oo ka mid ahaa ganacsatada Gaalkacyo.
Sida ay noo xaqiijiyay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur waxaa Madaxwaynuhu magacaabay Xasan Maxamed Khaliif oo xubin ka ahaa golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.
Xariir aan la samaynay Xasan Maxamed Kahiilf ayaa noo sheegay in Bulshada Gobolka Mudug uu guul u rajaynayo, isagoona sheegay in si dhexdhexaad ah uu bulshada Gobolka ugu shaqayn doono.
Xasan Maxamed Khaliif 18 April ayuu tartan ugalay noqoshada Duqa Degmada Gaalkacyo waxaana uga guulaystay maayarka hadda talada haya Mudane Cabdicasiis Jaamac Guuleed.
Post@PuntlandOne.com
PuntlandOne.com
Is he Reer Abdille? Too bad Cabdulqadir Shire resigned, the only time Cabdi Ciise had a position in Mudug is now in the past. Lol hopefully this new guy doesn't get pushed around by Reer Mahad and others.





