
Ciidamada Kenya ayaa bilaabay in cabsi owgeed uga baxaan saldhigyo ay ku lahaayeen Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose , waxaana arimahan sabab looga dhigay weerarkii qasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ku qaadeen xero ay milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cad
Dhinaca kale Ciidamada Kenya ayaa ka baxay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose halkaas ay gacanta ku hayeen sanadihii lasoo dhaafay, waxaana deegaanka markii ay ka baxayeen ka dhacay iska hor imaad dhax maray Ciidanka Kenya iyo kuwa Al-Shabaab.




