Waa arin yaab leh.
Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay been abuur ku sheegtay in duqeymo ay ka fuliyeen gobolka Gedo diyaaradaha dagaalka ee Kenya,dad shacabka ah inay wax-yeelo ka soo gaartay.
Col. Cabaas Gurey oo ka mid ah saraakisha militeriga dowladda Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa u sheegay warbaahinta gudaha inan la duqeeyay goobo ay ku sugnaayeen dad rayid ah.
“Waa been abuur,mana jirto diyaaraddo duqeeyay dad shacab ah iyo xoolo dhaqato toono,warka anniga ayaa beeninaya,”ayuu yiri Col. Cabaas oo ka mid saraakisha muddada dheer ka howlgalaysay gobolka Gedo oo ku yaalla koonfurta fog ee Soomaaliya.
Waxuu sheegay diyaaradaha dagaalka inay duqeymo ka fuliyaan goobo la sahmiyay oo xog iyo sawiro laga hayo,kuwaa oo muujinaya inay ku sugan-yihiin dagaal-yahannada ururka al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhankooda maalmo ka hor soo gudbiyay sawirro ay ku sheegeen iney ka soo qaadeen deegaanno ay duqeeyeen ciidanka Kenya waxaa ka muuqanayay aastaanta duqeynta iyo xoolo geeridooda sabab u ahayd duqeynta.
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa ka fuliyay duqeymo jogto ah oo loogu argudayay ciidan badan oo Kenya uga dhintay weerar ay ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab.
http://somali.raxanreeb.com/2016/01/dow ... olka-gedo/





