Postby smooth » Sat Feb 06, 2016 9:40 am
Jubaland, waamo state, Bakool Sare, Koonfur Galbeed, Galmudug, Ahlu Sunah, Khaatumo, Makaahir and now the newest maamul is being formed EASTLAND, this will consist of Large parts of BARI and some parts of Sool, there is a conference taking place currently and the announcement will come soon, many former Puntland ministers are partaking in the conference including former governor of Bari! making it federal state number 9, if you include yet to be formed Isaaq maamul and Awdal state, that will be 11 in total.
Gobolka Bari oo Shirweyne lagu Dhisayo Maamul Goboleed Maalmahan ka Furmaya Degaanada Dhadaar iyo Bali-dhidhin Siyaasiyiin Reer Puntland oo Wada Dadaalka”Top News”
Waxaa ka soconaya deegaanada Gobolka Bari gaar ahaan deegaanka Dhadaar iyo Bali-dhidhin shirar hordhac ah oo looga tashanayo sidii loo qaban qaabin lahaa shirweyne ay isugu yimadaan Beelaha Degan gobolka Bari iyoGardaful.
Shirweynahan oo qaban qaabadiisu si weyn looga dareemayo deegaanka Bali-dhidhin ayaa waxaa hadda ku sugan siyaasiyiin magac weyn ku leh Gobolka iyo guud ahaan Puntland, waxayna wadaan siyaasiyiintan reer Bari dhawaan sugayaan qaar kale oo uga imanaya gobolada garadaful iyo sanaag Bari.
Shirweynaha qaban qaabadiisu ka socoto deegaanada Gobolka Bari ayaa waxaa hurmuud ka ah Siyaasi Cabdisamad Gallan oo horay u ahaan jiray Gudoomiyihii Hore Gobolka Bari iyo Siyaasiyiin caan ka ah Puntland.
Mid ka mid ah dadka ku dhow dhow deegaanka Bali-dhidhin ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta in Maamul goboleed deegaanka Bari, Gardafuul iyo Sanaag Bari lagu dhisi doono shirweynaha qaban qaabadiisu Bari ka socoto hadda.
Maamul goboleedkan oo loogu wanqalayo Eatland oo dhawaan ergooyin badan isugu imaan doonaan deegaanka Bali-dhidhin oo gogol la dhigay maalmaha soo socdana lagu dhawaaqi doono himilada Maamul goboleedka Cusub lagu dhisi doono
Waxaa kaloo socda olole balaaran oo la isugu keenayo dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Gobolada Bari, Sanaag Bari iyo Garadaful si ay uga wadatashadaan aayaha deegaanadooda oo ay uga taliyaan mustqabalka dalka iyo dadkooda la doonayo in maamul ay wadagaan dhistaan umadda kuwada dhaqan deegaanada Bari Gardaful iyo Sanaag Bari ku nool.
Amaanka deegaanada shirweynuhu ka dhici doono ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas ku sugan ciidamo gaaraya ilaa shan boqol oo askari, kuwaasoo loogu talagalay difaaca deegaanka iyo dhismaha maamulka cusub ee dhawaan lagu dhawaqi doono.
Last edited by
smooth on Sat Feb 06, 2016 9:58 am, edited 2 times in total.