Postby Django » Wed Feb 10, 2016 2:55 am
Sarkaal Nabad-Sugidda ka tirsan oo M/weyne Xasan isku Beel-yiihiin ayaa fududeeyay Labtoogii loo adeegsaday qaraxii Daalo(Ninkaan ayaa 2014 dilay 4-Qof oo Garoonka Muqdisho ka wada shaqeyn-jireen)
Sida lagu soo bandhigay muuqaalada kaamirada CCTV ee garoonka Muqdisho ku xiran waxaa ka muuqda Sarkaal Nabd-Sugadda ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdiweli Mataan,kaas xiran dharka shaqaalaha garoonka ee jaakada gaduudan, waxaana la socdana nin ay saaxiib yihiin oo la yiraahdo Xasan Ibraahim oo ku magac dheeraa Xasan Caato, kaasoo markii danbe uu ku dilay miino gaarigiisa uu ugu xiray 05 Febrayo.
Ninkaani oo shaqaalaha garoonka iyo maamulkaba qadirin ku dhex lahaa ayaa lagu magacaabaa Cabdiwe Mataan wuxuuna u dhashay Beesha Abgaal ee Madaxweyne Xasan Culusoow ku abtirsaddo.
Cabdiwel-Mataan ayaa adeegsaday kaarto adag si warbixintiisa uusan u bixin saaxiibkiis Xasan Caato oo Beesha Shiikhaal u dhashay waxayna labadooda isku raaceen degmada Wadajir, wuxuuna Cabdiweli ka codsaday Xasan in gaariga uu kusii jiro si uu dukaan meesha ku yiil ugu soo iibsado alaab, daqiqado yar kadibna waxaa dhacay qaraxa oo uu maamulayay Cabdiweli.
Xubnihii uu horay u shirqoolay Cabdiweli-Mataan ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxii waaxda Saadaasha hawada Maxamuud Cabdi Cadoow Dhabareey iyo 3- kale oo gaari la saarneyd, kuwaasi oo markii ay shaqada ka baxeen uu dib ugu yeeray in ay kusoo laabtaan garoonka arrimo deg deg ah oo jira awgood, waxaana lagu qarxiyay agagaarka isgoyska KM4 bishii November 11, 2014.
Cabdiweli-Mataan ayaa ka tirsanaa shaqaalaha garoonka waaxda saadaasha hawada, sidoo kale wuxuu horay ugu soo shaqeeyay shirkaddii Sky ee garoonka maamuli jirtay,isagoo sidoo kale Nabad-Sugidda ka tirsanaa
Sidoo kale qof kale oo la shaqeynayay Cabdiweli ayaa laga soo qabtay kontoroolka Afgooye xili uu baxsad ahaa, kaasoo ka mid ahaa silsiladii fududeysay qaraxii daalo, inkastoo aan magaciisa weli ku raad joogno. Sidoo kale qof dumar ah ayaa loo xiray falkaani, taasoo kaliya u xiran muuqaalka Video ee ay ka dhex muuqaday xili ay goobta maraysay.
Maamulihii shirkadda Jubba ee garoonka Muqdisho ayaa isna xabsiga ku jira, kaasoo isna loo qabtay markii ninkii is qarxiya ee C/salaan Boorlo lagu magacaabi jiray u tilmaamay koontarka Daallo, balse waxaa suuragal in mas’uulkaasi xorriyadiisa loo soo celiyo iyo gabadha ka muuqatay muuqaalka