Wafti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada NairobiPublished on February 20, 2016
Nairobi (Sh M Network)—Wafdi ballaaran uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa ku wajahnaa Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga halkaasi oo 23 bishan lagu wado in uu ka furmo Shir looga hadlayo Xaalada Dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac oo ka mid ah Wafdiga RW Cumar, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weli ay ku xaniban yihiin gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi.
Xildhibaan Cabdullaahi ayaa waxuu tilmaamay in loo diiday in gudaha ay galaan Magaalada Nairobi si buu yiri “aan halkaasi ugu qabsano kulamo ka horta inta aanu u ambabixin Dalka Turkiga”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaanku waxuu intaasi ku daray in ay dib uga fiirsan doonaan xiriirka diblomaasi ee Dowladda Federaalka Soomaliya kala dhaxeeya Dowladda Kenya.
Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Dowladda Kenya oo ku aadan is-hortaaga Caawa lagu sameeyay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi.
http://shabellenews.com/?p=25259






