Don't believe Somali media folks who were spreading lies about the truth. Mogadishu is and will have representatives in the upper house something like 8 reps at least.
Qodobka 1aad
1. In la dhaqan geliyo Go’aanka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka ay si wadajir ah u wada qaateen hannaanka doorashada ee lagu qeexay warmurtiyeedkii ay soo saareen 12-kii Abriil 2016 iyo soo Bandhigidda Hannaanka Doorashada Sanadka 2016 ee 30/04/2016 ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Shacabka Federaalka.
2. In Hannaankan loo adeegsanayo doorashada 2016 oo keliya, marka ay dhammaato muddada dastuuriga ah Hay’adaha Sharci Dejinta iyo Fulinta.
Qodobka 2aad
1. In la ilaaliyo mabda’ Dastuuriga oo ah in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay matalaad ku yeeshaan dhammaan degaannada Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.
2. Suurta galinta habka ay ku imanayso matalaadda Muqdisho ee Aqalka Sare iyo xallinta wixi tabasho ah, go’aanna looga gaaro shirka soo socda ee Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka.
Xeerkan ayaa dhaqan-galey maanta kadib markii uu si rasmi ah qalinka ugu duugay Madaxweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Source... http://calankamedia.com/?nid=34732




