Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby TheblueNwhite » Wed May 25, 2016 10:51 pm

Waxa jirtay beri ay odayaal Hawiye ahi u tageen Maxamed Siyaad Barre. Way ka cawdeen iyaga oo ku eedeeyey in uu beeshooda cadaadis gaar ah ku hayo. Siyaad Barre markii uu ka jawaabayey eedeynta odayaasha ayuu hadalkiisii ku daray saadaalin cajiib ah. Wuxuu odayaashii ku yidhi:

“Waxa garan doontaan odaynimadayda iyo Soomaalinimadayda maalinta Cabdillaahi Yuusuf Madaxweyne idiin noqdo.”

Waxay noqotay saadaal dhabowday. Markii Cabdiqaasim Salaad magaalada Carta loogu doortay Madaxweynaha wuxu Muqdisho ka degay isaga oo ay wehelinayaan dhawr siyaasiin ah oo kali ah. Markii Cabdullaahi Yuusuf madaxweynaha loo doortay wuxuu shardi kaga dhigay Beesha Caalamka in la siiyo ciidan gaadhaya labaatan kun (20, 000) oo geeya Muqdisho. Waxaan xasuustaa Maxamed Xasan Xaad, Guddoomiyaha Odayaasha Hawiye, oo idaacadda BBC-da ka leh:

“Cabdullaahi Yuusuf, Madaxweynahayagii ayaad tahay. Sharaf ayaad naga mudan tahay. Waanu ku soo dhoweynaynaa. Ciidan ajnebi ah uma baahnid. Ummaddii ku dooratay ee aad madaxweynaha u ahayd ayaad u imanaysaa.”

10-kii Oktoobar 2004 ayaa Cabdullaahi Yuusuf shirkii Mbagathi ee Nairobi ka socday loogu doortay Madaxweyne. Subaxnimadii ku xigtay dawladda Somaliland waxay soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaaraynayso doorashada Cabdullaahi Yuusuf iyada oo ku tilmaantay “Dagaal-ooge Soomaaliya u horseedi doona halaag iyo burbur hor leh.”

Wakhtigaas waxan ahaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland. Cambaarayntii kadib ayaan booqasho ku tegay magaalada Addis Ababa. Waxaan la kulmay Wasiir ka tirsan xukuumadda Itoobiya oo u janjeedha Cabdullaahi Yuusuf. Wuxuu igu yidhi:

“Cambaareynta Somaliland dhaawac weyn ayey u geysanaysaa dawladda Cabdullaahi Yuusuf. Beesha Caalamka ee uu taageerada ka doonayo ayaa dib isu taagi doonta iyaga oo dareenkoodu yahay Somaliland oo nabad ah ayaa ku qaylisay Cabdullaahi Yuusuf, bal aynu wax hubsano. Mar haddii dardarta ama “momentum-ka” Beesha Caalamku hakad galo way adag tahay in mar dambe la dhaqaajiyaa.”

Ka hor inta aanan u gudbin talooyin ku aaddan Cabdullaahi Yuusuf oo Madaxweyne Rayaale iyo anigu aanu siinay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, aan dib u milicsado sheeko na dhex martay Cabdullaahi Yuusuf markii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya dhexmaray 1977.

Aniga oo danjire ka ah Kenya ayaa la iiga yeedhay Muqdisho kadibna Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa igu amray in aan ka mid noqdo saraakiisha dagaalka hoggaaminaysa. Sababtu waxay ahayd iyada oo la igu qoonsaday talooyin ka soo horjeeda dagaalka oo aan soo bixiyey ka hor intii aanu dagaalku bilaabmin.

Abbaaro 8.00-dii habeenimo ayaan ka soo dhaqaaqay Muqdisho aniga oo u jeeda dhinaca Baydhabo. Waxa ila socda dirawalka iyo saddex askari oo dable ah. Habeenkii waxaan seexday huteelkii Eden ee Cabdulqaadir Soobe lahaa. Subaxnimadii markii aan quraacdii u soo baxay ayaan la kulmay Kornayl Cabdullaahi Yuusuf iyo Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Xasan “Ma-tukade” oo ahaan jiray Taliyaha Ciidanka Boliiska. Markii uu i arkay ayuu Cabdullaahi Yuusuf igu yidhi:

“Waar Cawil, maxaa meeshan ku keenay sowdigii danjiraha ahaa?” Waxaan ugu jawaabay:

“Oo Cabdillaahi adiga maxaa ku keenay sowdigii ahaa Mareeyaha Wakaaladda Fiat?”

Labadayaduba waanu qosolnay. Kadibna Cabdullaahi Yuusuf ayaa cod dheer oo ay wada maqlayaan dadyowgii ka quraacanayay huteelku ku yidhi:

“Cawilow in uu Maxamed Siyaad Barre nacas yahay maanta ka hor maan ogayn. Ma ninka maankiisu siiyay in uu igu yidhaahdo Cabdillaahi Yuusufow Sidamo ii soo xoree kadibna dadka Soomaaliyeed faras dahab ah ha i saaraan, wiilkayga wiilkiisuna madaxnimada Soomaaliyeed ha kala dhaxlaan. Ma ninka garan waayey dirawalladii aad derejooyinka ku taxday dagaalka u diro. Cawiloow aagga Sidamo waan curyaaminayaa, Cirro-na aagga Herer ayuu curyaaminayaa, adiguna curyaami aagga Bale.

1994-kii, mar aanu ku kulanay magaalada Nayroobi, Cabdullaahi Yuusuf wuxu igaga cawday wixii aan ka qoray ee ku soo baxay buuggaygii “From Barre to Aideed”. Waxaan ka sheekeeyey inqilaabkii ay isaga iyo Kornayl Cirro isku dayeen markii uu dhammaaday dagaalkii 1977-kii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. Cabdullaahi Yuusuf wuxuu haystay ciidan soddon kun oo nin ah (30,000) oo si laxaad leh u qalabaysan saldhiggiisuna yahay magaalada xadka ku taalla ee Doolow. Waxay Cabdullaahi Yuusuf iyo Kornayl Cirro ku heshiiyeen in ay inqilaabka sameeyaan 12-ka April 1978 oo ku beegnayd 18-guurada maalintii la aasaasay Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

10-kii March 1978-kii, bil ka hor wakhtigii ay qorsheeyeen afgembigu in uu dhaco, waxa si kedis ah xeradii Cabdullaahi Yuusuf madaxda ka ahaa u soo galay Maxamed Siyaad Barre oo ay la socdaan 20 askari oo koofiyad cas ahi. Waxay ahayd fursad dahabi ah oo aan la heli karin. Madaxweynihii ay inqilaabayeen ayaa isagii is keenay. Waxay ahayd in uu Cabdullaahi Yuusuf si geesinimo ah markiiba u qabto Maxamed Siyaad Barre. Waxa hubaal ah haddii uu halkiisa joogi lahaa Kornayl Cirro in uu ku dhiiran lahaa qabashada Maxamed Siyaad Barre afgembigana sidaas ku hirgeli lahaa.

Inqilaabkii wuxu Kornayl Cirro ku dhaqaay 9-kii April 1978, dhawr maalmood ka hor wakhtigii ay markii hore qorsheeyeen, isaga oo urursaday askar aan ka badnayn 100 iyo 15 sarkaal. Haddii uu isla markiiba Cabdullaahi Yuusuf ciidankiisa u soo dhaqaajin lahaa Muqdisho, inqilaabkaasi wuu guulaysan lahaa, sababtoo ah ciidan tiro yar oo aan shan kun (5000) ka badnayn ayaa Muqdisho ku sugnaa. Way is dhiibi lahaayeen ama Kornayl Cirro ayey la safan lahaayeen. Cabdullaahi Yuusuf halkii uu tallaabadaas ku dhiirran lahaa ayuu ciidankiisii oo tiro iyo tayaba leh cidla’ kaga dhaqaaqay. Isaga oo 4 sarkaal oo kali ah wata ayuu u baxsaday dalka Kenya. Waxa hubaal ah in haddii Kornayl Cirro og yahay in aanu gurmad ka helayn Cabdullaahi Yuusuf aanu ku dhaqaaqeen inqilaabka. Markii uu afgembigii dhicisoobay Kornayl Cirro waxa laga qabtay meel u dhow Wanla-Weyn, isaga oo gashan dhar reer-miyi ah. Waxa lala toogtay 9 sarkaal oo dhallinyaro ah.

Cabashadii Cabdullaahi Yuusuf waxaan kaga jawaabay:

“Cabdullaahi, bal adigu u magac bixi tallaabadaas aad ku kacday wixii ay ka dhignayd. Iyada oo aad saraakiil kale axdi ku gasheen in ay kula sameeyaan inqilaab ayaad markii ay arrintii ku dhaqaaqeen halkii aad uga gurman lahayd cidlo kaga dhaqaaqday.

Muddo kadib markii Cabdullaahi Yuusuf Madaxweynaha laga dhigay ayaa Ra’iisal-Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi uu dayuurad u soo diray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin isaga oo ka codsaday in uu booqasho ugu yimaad Addis Ababa. Wasiirkii Arrimaha Dibedda Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, safar dibadeed ayuu ku maqnaa. Aniga ayaa Madaxweynaha raacay. Waxaanu la kulanay Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi. Wuxuu nagu yidhi:

“Madaxweyne Rayaale, waxaan kuugu yeedhay in aan talooyin ku weydiiyo. Ciidan Itoobiyaan ah ayaan u diray Soomaaliya si ay dalka u xasiliyaan wadaaddada xagjirka ahna u kala eryaan. Ma damacsani in ciidanka Itoobiya ku raagaan Soomaaliya. Taasi waxay keeni kartaa in beesha Hawiye magaalada Muqdisho dhexdeeda ugu jabhadeeyaan ciidanka. Waxaan kaa codsanayaa aniga oo kugu kalsoon in wixii talo ah aad i siiso.”

Madaxweyne Daahir Rayaale wuxu ugu jawaabay:

“Ra’iisal-Wasaare Meles, waad ku mahadsan tahay kalsoonida aad ii muujisay. Cabdullaahi Yuusuf dadka Soomaaliyeed si fiican ayey u yaqaanaan oo nin ku cusub ma aha. Cabdullaahi Yuusuf Soomaaliya dawlad u dhisi maayo ee wuxuu rabaa in uu beesha Hawiye ka aarsado, dhaqaalahoodana burburiyo. Ra’iisal-Wasaare Meles, waxaan si daacad ah kuugula talin lahaa in Cabdullaahi Yuusuf aanu ciidankaaga ku isticmaalin beesha Hawiye oo ay ku eekaadaan ujeeddadii aad ugu dirtay Soomaaliya. Wasiirkaygan Maaliyadda ee i garab fadhiya ayey Cabdullaahi Yuusuf wada shaqeeyeen. Aan isagana hadalka siiyo.”

Hadalkii markaan qaatay waxan ku idhi:

“Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi, waad ku mahadsan tahay talada aad arrinkan naga weydiisay. Waxa Cabdullahi Yuusuf iigu horraysay isaga oo kabtan ah aniguna aan xiddigle ahay. Waxaan kala qayb-galay dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya 1964-kii annaga oo ka hawl-galnay aagga Doolow. Ku-xigeen ayaan u ahaa. Waxaanu kaloo ka wada qayb galnay dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977-kii. Isagu wuxu joogay aagga Sidamo anna waxan ku sugnaa aagga Bale. Waa shakhsi aan si fiican u aqaano. Sida uu Madaxweyne Rayaale sheegay Cabdullaahi Yuusuf maskaxdiisa kuma jirto Soomaaliya u dhis dawlad ka samato-bixisa dhibaatooyinka ku habsaday. Arrinka kaliya ee uu u socdaa waa in uu Hawiye ka aarsado, gummaado, dhaqaalahoodana burburiyo, si aanay beesha Hawiye boqolka sanno ee soo socda madaxa ula soo kicin, haddii ay noqoto dhinac siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba. Ra’iisal-Wasaare, Cabdullaahi Yuusuf waa shakhsi aan waxba aaminsanayn. Ma aaminsana Soomaalinimo, ma aaminsana beesha Daarood ee uu ka soo jeedo, ma aaminsana beesha Majeerteen uu ka soo jeedo. Shayga kaliya ee uu aaminsan yahay waa jilibkiisa ugu hooseeya ee Reer Mahad. Ciddii aan Reer Mahad ahayn, cadow ayuu u arkaa.

Hase ahaatee, Cabdullaahi Yuusuf waa shakhsi nasiib badan. Ma waayo hoggaamiye Itoobiyaan ah oo madaxa saarta. Mengistu Xayle Mariyam ayaa madaxa saaray, markii uu hab-dhaqankiisii arkayna xabsiga dhigay. Jabhaddii TPLF (Tigrayan People’s Liberation Front) ee aad hormoodka ka ahayd markii ay Addis Ababa soo gashay ayey xabsigii weynaa albaabadiisa fureen oo maxaabiistii sii wada daayeen. Sidaas ayuu Cabdullaahi Yusuuf ku soo baxay. Adiguna u malayn mayno in aad aqbali doonto hab-dhaqankiisa gurracan, mana xakamayn kartid. Waxaanu isha ku hayn doonaa bal waxa aad kala yeeshaan. Waan og nahay in dawladda aad madaxda ka tahay ay xoogga saartay in shirkii Mbagathi Cabdullaahi Yuusuf loogu doorto Madaxweyne.

Ra’iisal-Wasaare, waxaad tahay shakhsi xaqaani ah oo qowmiyadihii kala duwanaa ee Itoobiya ee dhawrka boqol ee sanno ku jiray cabudhin iyo gumeysi xuquuqdoodii u soo celiyey iyada oo ay qowmiyad waliba maanta leedahay calankeeda, Madaxweynaheeda, barlamaankeeda, afkoodiina ku maamushaan dawlad-deegaannada. Waxaad kaloo geesinimo u yeelatay in aad hirgeliso gooni-isu-taaggii dalka Ereteriya, tallaabadaasi oo culeyskii Itoobiya ee dul saarnaa shacbiga Ereteriya ee tirada yar ka dul qaadday. Ra’iisal-Wasaare, waxaanu kaa codsanaynaa in aad Cabdullaahi Yuusuf ka ilaaliso in uu ciidankaaga u isticmaalo beel Soomaaliyeed. Taasi waxay dhaawici kartaa sumcaddaada waxayna abuuri kartaa colaad iyo cadaawad riiq dheeraata.”

Waan xasuustaa, markii aan hadalkii ka baxay muddo shan daqiiqo aan ka yarayn ayuu aamusnaa oo uu fikir ku maqnaa.

Wuxuu noogu jawaabay:

“Ciidankayga janan Itoobiyaan ah ayaa xukuma. Amar uu Cabdullaahi Yuusuf ka qaadanayaana haba yaraatee ma jirayso. Waxaanan jananka ku amrayaa in uu xidhiidh fiican la yeesho oo uu soo dhoweeyo odayaasha Hawiye.”

Xidhiidhkii ka dhexeeyey madaxda Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf wuxu ugu dambayntii isugu biyo-shubtay in ay Cabdullaahi Yuusuf ku khasbaan in uu iska casilo jagada Madaxweyne-nimada, dalkana dibedda uga baxo. Iscasilaaddiisii kadib waxay madaxda Itoobiya u qalqaaliyeen in uu u dhoofo dalka Yemen, magaalada Sanca, halkaas oo uu Madaxweyne Cali Cabdalle Saalax ku siiyey magan-gelyo siyaasadeed.

Mar dambe oo aanu la kulanay madaxda Itoobiya waxay noo markhtaati fureen in warbixintii aanu ka siinay Cabdillaahi Yuusuf ay dhammaanteed sideedii u arkeen. Meles Zenawi, wuxuu ahaa Ra’iisal-Wasaare ku caan baxay in uu oofiyo ama fuliyo wixii uu ballan-qaado. Ballankii uu naga qaaday in aanu Cabdullaahi Yuusuf ciidanka Itoobiya ku isticmaalin Hawiye, sidiisii ayuu u fuliyay.

Cabdullaahi Yuusuf laftiisu buuggiisa Halgan iyo Hadimo (B. 378-379)” wuxu ku qiray sida ay Itoobiya isaga xakamaysay damaciisii. Wuxu yidhi:

“Waxaan u yeeray Kornayl Gabre Ezaber oo ka tirsanaa sirdoonka ciidamada Itoobiya, isla markaasna ahaa xiriiriyaha labada dawladood, waxaan weydiistay in laga dabatago ciidankii maxkamadaha ee baxsadka ahaa si aanay mar labaad meel isugu urursan oo dib weerar u soo qaadin. Sarkaalkii wuxuu igu yiri: ‘Annagu qabiil lama aanu dagaallamayno.’ Run ahaantii aad bay jawaabtaasi ii dhibtay mana garaysan, taas oo aanan marnaba ka malaysanayn. Waxaan ku iri: ‘Kuwii aanu hortii la dagaallamaynay qabiil bay ahaayeen. Waxaad ii sheegtaa in jawaabta aad i siisay aan u garto siyaasadda cusub ee dawladda Itoobiya.’ Iigama jawaabin.

Guddiyadii beelaha Hawiye waxay iska noqotay arrin caadi ah, marka ay wufuud u dirsadaan dalka Itoobiya in loo soo dhaweeyo si dawli ah, loona fududeeyo sidii ay ula kulmi lahaayeen madaxda ugu sarraysa. Koolkoolintii guddigaan maqaarsaarka ah sumcadda loogu samaynayay waxay gaartay in beesha caalamku tiraahdo TFG iyo beesha Hawiye ha wada fariisteen. Itoobiya waxay dhinaceeda ka wadday, una barreertey sidii ay mawqifka beelaha Hawiye ee dawlad-diidka ah ugu samayn lahayd dhidibo adag oo ay siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba ku taageerto.

Ciidamadii Itoobiya oo aanu ka fileynay in ay gacan nagu siiyaan hawlaha faraha badan ee na hor yiil waxay tartiib-tartiib garabmar ugu sameeyeen shaqooyinkii aanu ku heshiinay oo dhan, waxayna xiriir toos ah iyo wada shaqaynba la sameysteen guddiyada beesha Hawiye ee dawlad-diidka ah. Shirqoollada dawladda loo maleegayay waxa kaalin weyn ka qaatay taliska ciidamada Itoobiya, kuwaas oo si dadban isu hortaagayay in lala dagaallamo beelaha Hawiye ee dawlad-diidka ah. Saraakiisha ciidammadaasi waxay gaareen heer ay ciidamadooda amar ku siiyaan in aanay xeryahooda ka bixin, farna u dhaqaajin dagaalka ay dawlad-diidku ku hayaan dawladda TFG-ga. Sidaas oo kale, waxay dagaalka ka hor istaageen ciidankii TFG-da ee aadka u tabobarnaa oo Itoobiya hore loogu soo carbiyay laguna xereeryay aagag gaar ah, amarna ku siiyeen in aanay wax tallaabo ah qaadin. Shirqoolladaasi waxay horseedeen in awooddii TFG-du si xawli ah hoos ugu dhacdo.”

Waa inoo toddobaadka dambe iyo qormo cusub haddii Alle idmo.

Hoos ka akhri maqaal uu hore u qoray Ambassador Cawil

User avatar
HayWire
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1827
Joined: Mon May 13, 2013 8:48 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby HayWire » Wed May 25, 2016 11:29 pm

AuthiBilah, This much af somali. It will take me a week :lol:

Blueand & white, you should have posted one paragraph a day :lol:

User avatar
GeoSeven
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5627
Joined: Sat Sep 17, 2011 10:41 am
Location: Out of my mind somewhere...always somewhere, never an exact location.

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby GeoSeven » Thu May 26, 2016 1:54 am

Cawil is an old fox. He was pardoned by Barre and asked to return to Xamar, when he came back, he swapped rooms with a stranger just to be safe. The NSS mistakened the stranger for Cawil and took him out, Barre was told that Cawil was terminated. A few months down the track, Barre went to Nairobi for a summit and there was Cawil sitting in the front row with Amnesty International smiling. Barre couldn't hold himself and just laughed :lol:

User avatar
AwRastaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7612
Joined: Mon Nov 30, 2015 5:09 am

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby AwRastaale » Thu May 26, 2016 2:31 am

I read some of it. Awil was very intelligent man. I wasn't aware of his credentials.

Between Abdillahi and Barre, I would prefer Barre.

He was more visionary than qabil minded Abdillahi who in the end corrupted Barre.

User avatar
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13054
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby theyuusuf143 » Thu May 26, 2016 5:11 am

Cawil mucjiso weli wuu noolyahay isagoo shaydaan ka caafimaad qaba. Isagaaba ictiraafkii loo diray.

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21046
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby sahal80 » Thu May 26, 2016 5:40 am

I don't take this man's testimony seriously bc it sounds more character assassination than..

What i conclude from his account is that ethiopia was worry of irir coalition against her/yeey and it's not coincidence that kahin has annexed laascaanod when all these harti folks joined yeey in xamar!....dhuloos rebellion against PL have appeared after the departure of yeey, before that they were part of it and his war in xamar

Ethiopia knows the somali clan wars....

For example he didn't mention yeey moving back all the way to baydhabo the day before the coup. Cirro was more power hungery than yeey and he sounds highly smart guy like the report he made in jigjiga against 80 officers whom he was doubting about their locality to him, the regime has killed them mistakenly bc of his report!

He then started blaming the regime on this to attract more angery officers for his own mission!

Gen gaani who was the commander in waqooyi have heard about his inqilab so he fled to xamar to tell barre about cirros inqilaab, cirro was called to xamar and since then he had no position in the army there was investigations going on and this is the time barre gives yeey a surprise visit

While the investigations were still going on, cirro has arranged a second coup in xamar via his loyalisties in the army (around 20 something officers in wich 18 of them were mj!)

He and yeey had disagreement on how to execute the coup...yeey told him to wait from him and that it should be the army day otherwise their activities will be seen as suspicious and cirro was afraid of getting exposed

Yeey plan was to attack mogadishu from baydhabo and meet him at carbiska/lafoole....ironically carbiska was one of the bases captured by cirro loyalists before barre was able to get gurmad from halane then he fled towards baydhabo where yeey reached so far but he was captured on the way...this is when yeey flees to Kenya via gedo

This man did not mention all this and makes it sound like he was in dolow lol

Ethiopia cannot invade somalia without the US govt backing

This lady has supported the ethiopian invasion and she was the one who called yeey to resign not ethiopia!!

Their last meeting wich she called him to resign
http://allafrica.com/stories/200812221329.html

HG jihadists like dahir aways and indhacadde have committed huge mistake by trying to invade baydhabo bc this means for the west there wont be no legitimate authority in somalia so they have to defend the TFGs capital

When yeey was based in baydhabo he had no actual power on the tfg, there were talks in khartoum and he was against it, speaker sharif hassan was visitng xamar(Islamic courts) for forming a unity govt where hawiye would pick their own pm and he represents D&M, thus, making yeey powerless president until the elections

All this was rejected by hassan dahir!

Even the UNSC was supporting it
http://www.un.org/News/Press/docs/2006/sc8887.doc.htm

I would like to add important factor in the rise of al shabaab....our hiiraan politicians like omar hashi and laqanyo were against deploying amisom out of the state house and the airport....during the djibouti talks, ethiopia has contacted with col omar hashi and he said to them I will not sit with you until you get out of hiiraan and theydid it on November 2008 while they were still in xamar and baydhabo (left in january 2009)

The reason was bc there was no political vocuum in hiiraan as hashi was leading the resistance by himself....for a year there was a pro-TFG admin in baledweyne without amisom or ethiopia

Why xamar politicians did not control it after ethiopia left it? Why you did not control jowhar? Bc like arabs say al macida daar al daa...every illness comes from the stomach...xamars amisom project have destroyed the rest. it could have been avoided had there been influencial politicians like omar hashi

Ironically, in xamar yeey was fully controlling the TFG with ethiopias brutal support, he targeted HG mostly (20,000 killed) all these HG who own now business in the UAE moved from bakaaraha at that time...those now in lafoole aka ceelasha biyaha

When hiraab was used against eachother (defence minister salaad ali jeele and pm geedi)hawadle politicians in the TFG acted hard against yeey and called for international pressure against him as ethiopia was letting him continue his clan revenge....laqanyo as the AU ambassador and sanbalolshe as then the UN walad abdallahs adviser who convinced him to enter the talks and that there is no terrorism but a targeted clan!

Dugaag waaye hiraab asxaan ma qabaan hada kadib ee nootahay!

Laqanyo account of yeey and ethiopia
http://www.wikileaks.org/plusd/cables/0 ... 507_a.html

The guy who translates is sanbalolshe, he agreed with omar to pick him for hawadle but bc of omar hashi, sharifs partner he couldnt until his assassination where he replaced him as the security minister

https://youtu.be/S0WelMcNXvo

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21046
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby sahal80 » Thu May 26, 2016 6:54 am

Dp

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby TheblueNwhite » Thu May 26, 2016 7:06 am

Cawil is an old fox. He was pardoned by Barre and asked to return to Xamar, when he came back, he swapped rooms with a stranger just to be safe. The NSS mistakened the stranger for Cawil and took him out, Barre was told that Cawil was terminated. A few months down the track, Barre went to Nairobi for a summit and there was Cawil sitting in the front row with Amnesty International smiling. Barre couldn't hold himself and just laughed :lol:
:lol: he just wouldn't go away.

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby TheblueNwhite » Thu May 26, 2016 7:09 am

AuthiBilah, This much af somali. It will take me a week :lol:

Blueand & white, you should have posted one paragraph a day :lol:
:lol: Now that's boring.

User avatar
cheifaqilbari
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1764
Joined: Wed Jul 22, 2015 11:21 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby cheifaqilbari » Thu May 26, 2016 8:23 am

what ambassador Cawil wrote here is 100% truth Abdullahi yusuf went on a qabiil killngg spring in xamar with over a million people feeling from the city of moq to celeysha biyaha even UN documneted all peope feeling and killing. Abdullahi yusif was one most qabilist diseased people ever to lived even within darod Mjs he divided people he creation of buntland a kingdom statlet for his own subsubsub family his famous humilation of being whipped as president by his ethiopioan military occupation army supporters . he was a coward and like all cowrd he died pennyless humuliated in a foreign land . http://www.theguardian.com/commentisfre ... sinsomalia .

User avatar
jalaaludin5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8832
Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby jalaaludin5 » Thu May 26, 2016 9:11 am

Trust Sahal to Inject HG iyo Hawadle into everything lol

yaan lagaa dareemin sxb.

The more I read Sahal the more I detect a hint of MJ in him.
-
-
-

User avatar
BlueBlood
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1897
Joined: Sat Dec 06, 2014 11:28 am

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby BlueBlood » Thu May 26, 2016 11:20 am

I see a lot of revisionism in that article. Im not Abdullahi yusuf (AUN) supporter but that writer is rewriting history..at no point/time did hawiye welcomed him into mogdisho...heck, he was living one year in jowhar before he moved to baidhabo...tfg didnt had the force to defeat the warlords and capture xamar and when icu came into power they were considered terrorist by the west, that is why the west funded ethiopia to fight with them.
And that nonsense about massacring hawiye is bs..most of his armies and supporters were hawiye from gedi, jeele to caydid... unless they were with him and agreed to be part of that mission.

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21046
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby sahal80 » Thu May 26, 2016 11:34 am

Trust Sahal to Inject HG iyo Hawadle into everything lol

yaan lagaa dareemin sxb.

The more I read Sahal the more I detect a hint of MJ in him.
-
-
-
lol bc while I'm a progressive person you believe in your clan shyt! Gaal dil gartiisana sii! Yeey was strong man who only does what he likes. this was in xamar bc in jowhar and baydhabo he had no real control in there..in xamar he had thousands of harti security who targeted every xaafad except kaaraan and madina

So ethiopia had no control on him

It's important to mention clans in this context

We hawadle were allied with geedi(as warsangali abgaal who control jowhar and hawadle..it goes back after our split from caydiid...we used to control jowhar since 91 but we left it before our war with HG to get ready for abgaal friendship) but for clan security we refused to give yeey troops a safe passage to jowhar from feerfeer so mohamed dheere has sent to them some folks who know the land via mustahil-ceelbarde in bakool up to baay where they entered from behind ceelcali and kept moving on along the baay-hiiraan border until they reached jowhar from our borders with lower shabelle, this is scarecely populated nomadic gaaljecel area and they did know what's going on....even HG attacked us at night from this side coming from balidoogle-walawayn yet gaaljecel didn't know it!

When we came back we punished gaaljecel for this until they accepted the maamul (col hassan qalaad) and stayed away from HG, we captured their folks who cooperated with HG at a place they call burjada caynte 25 km behind their xaafad. This guy was one of them we spare his head so he's been cooperating with every maamul until al shabaab killed him
http://www.dalkanews.net/?p=8417

HG can't attack us from matabaan we always defeated them in there and the last one was 2012 with cayr....we kept chasing them up to guriceel

Caydiid wars were all gaadmo and Italy was cooperating with himagainst the US so some how this attack come after the Italians burned our weapons in lamagalaay!

If you want to fight with HG start the attack, that's the secret bc they depend on surprise attack and gaadmo like they did in galkacyo while gaas was still at his provocation!

Now we attack HG before we reveal our plans like annexing matabaan

Image

User avatar
Halmogg
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1184
Joined: Sat Jan 16, 2016 11:01 pm

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby Halmogg » Thu May 26, 2016 11:57 am

:dead:





“Cabdullaahi Yuusuf, Madaxweynahayagii ayaad tahay. Sharaf ayaad naga mudan tahay. Waanu ku soo dhoweynaynaa. Ciidan ajnebi ah uma baahnid. Ummaddii ku dooratay ee aad madaxweynaha u ahayd ayaad u imanaysaa.”
:comeon:

User avatar
jalaaludin5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8832
Joined: Thu Jan 05, 2012 7:37 am
Location: “Beauties in vain their pretty eyes may roll; Charms strike the sight, but merit wins the soul.”

Re: Siyad Barre knew A Yusuf like the back of his hand

Postby jalaaludin5 » Thu May 26, 2016 12:42 pm

Sahal

yaan laga dareemin.

For a wadaad and a religious man, you sure have lots of animosity towards your kin/tol. Jin HG ah aya kugu jira sxb.
All this siyaasad is not good for your imaan. HG baad ku jannah seegi hadii aanad ilmaadeerada sidan ka deyn.
-
-
-


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests