Its time for Amisom to
https://youtu.be/3ueZivJdOmM
June 5 (Jowhar)— Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Shan Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo 10-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo iibinayay qalabka loo keeno ciidanka AMISOM.
Askarta iyo dadkan ayaa ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay ka qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu qabtay ciidanka AMISOM iyo dadkan ayaa wuxuu sheegay in ciidanka amaanka ay daba socdeen arintaan ugu danbayntiina maanta ay u suurta gashay inay qabtaan shaqsiyaadkaan iyo Alaabihii ay iibinayeen.
“Waxaan ku qabanay Alaabo badan oo ay Iibinayeen, kuwaasoo ka mid ah qalabka AMISOM, waxaana ku jira Jawaanada Difaaca, Telephone-no, Qalabka Rasaaska lagu qaato, Shidaal badan iyo Alaabo kale.” Sidaasi waxaa yiri taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed.





