Dowladda Itoobiya ayaa diiday inay Taliye cusub usoo magacowda Taliska Amisom kadib markii Itoobiya laga dalbaday inay soo magacaaban Taliye Badalo Taliyaha Guud ee Amisom kaaso xilka qabtay Janaayo 2016 , Sababta ayaa loo aanenayaa kadib markii laga diiday Itoobiya in Ciidamo ka Socdo Dalkoda ay Saldhig ka sameystaan gudaha Magaaladda Muqdisho.
Taliyaha Hadda xilka Amisom haayo ee Kenyaanka ah ayaa lagu wadaa inuu ka tago shaqada Taliska kadib markii lagu eedeeyay ka maqnaansho badan gudaha Soomaaliya oo ay ka howl galaan ciidamada Amisom , iyaddo lagu waday in Itoobiya ay soo magacowdo taliye badalo kan hadda.
Generalka Guud ee Ciidamada Itoobiya Gen . Samora Yunis ayaa shuruud ku xiray inay qabtaan xilka Taliska Amisom kaas ah in Saldhig ay ka sameystaan gudaha Muqdisho , iyaddo 1000 askari itoobiyaan ah loo soo diro Magaaladda Muqdisho iyo in Taliyaha Amisom yeelan karo inuu shaqo ka fariisin Ku sameeyn karo taliyayaasha ciidamda Dalalka kale ee Amisom ka tirsan.
Balse shuruudahan uu keenay Gen.Samora waxay ka caraysiisay Dowladda Soomaaliya diiday in gabi ahaanba ciidamo ka socdo Itoobiya ay soo galaan Muqdisho saldhigna ka sameystaan , Sidoo kale arintan ayaa waxa isku fahmi waayay dalalka Ciidamada ka joogan Soomaaliya sidda Kenya & Uganda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arintan wali si toos ah uga hadin balse waxa wali talis la’aan ah ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya iyaddo wali la’isku haysto Taliyaha lagu wado in loosoo magacaabo Amisom .
Ciidamada Itoobiya ayaa 2007 fara galin ay ku sameeyen Soomaaliya la ogyahay inuu dhiig badan ku daatay taas keentay kadib doorashadii Madaxweyne Shariif in gabi ahaanba laga saaro Gudaha Soomaaliya balse gadaal looga soo darey 2011 Ciidamada Amisom ee ka howl gala Gudaha Soomaaliya .
Xigasho – Africa Confidential