Postby BosasoShaam » Fri Jul 08, 2016 6:47 am
LATEST TOP NEWS:- Xiisad u dhaxaysa Galmudug & Ahlusuna, Cadaado oo wado muhiim ah laga xiray.
TOP NEWS:- Xiisad u dhaxaysa Galmudug & Ahlusuna, Cadaado oo wado muhiim ah laga xiray.
July 8, 2016 - Written by Chief Editor - Edited by Chief Editor
Waxaa sii xoogaysanaya xiisada u dhaxaysa Ahlusuna iyo Galmudug, waxaana taasi ay sababtay in ciidamo ka amar qaata Ahlusuna ay xiraan waddadii xariirin jirtay Cadaado iyo Guri ceel ee Gobolka Galguduud.
Deegaanka Dhuumoodle oo xariirsha labada degmo aya Ahlusuna la wareegtay, wxaaana laga cabsi qabaa in weerar ay ku qaadana Cadaado, iyadoona wararka aan ka helayno cadaado ay sheegayaan in Galmudug ay wado dhaqdhaqaaq ciidan.
Ahlusuna ayaa Maamulkeedu ka arrimiyaa inta badan Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, iyadoona ay sheegeen in Madaxwaynahooda uu yahay Shiikh Axmed Shaakir kaas oo lagu doortay doorasho ka dhacday magaakada dhuusomareeb ee xarunta Gobolka Galguduud.
La soco wixii kusoo kordha
PuntlandOne.com
Dhuusomareeb.