Musharax Taageerayaal Badan Haysta oo Muqdisho Dhoolatus Ka sameeyay iyo Khudbadiisa
https://youtu.be/GC20pxlCGtk
Muqdisho (Kalshaale) Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo aheyd tii u horeysay ee nooceeda ayaa waxaa ka soo qeyb galay kumanaan ruux oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo doorka ugu muuqda ka qaadanayeen Dhalinyarada, waxaana Munaasabada lagu soo bandhigay hal ku dhiga Hal Qaran
Hoolka Hotelka oo aad u buux dhaafay ayaa barxada la dhigto baabuurta oo la suray teendhooyin ayay dadka u suura geliyay inay in hoolka galaan waxay shaashad weyn kala socdeen khudbada uu jeedinayay Musharraxa Dhalinyarada ah Jibriil Ibraahim Cabdulle.
Dadkii kala duwanaa ee Munaasabada ka hadlay ayaa muujiyay howl karnimada Jibriil iyo waaya aragnimadiisa, iyagoo sheegay in 20-kii sano ee la soo dhaafay uu dalka ku sugnaa, isla markaana xog ogaal u yahay xaaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray.




I support a HG president of Somalia. Anyone but another abgaal or Mj, for obvious reasons

