Doorashada Kursigii 1-aad ee Xildhibaanada DFS ee maamulka S.land oo Maxamed Cumar Carte kusoo baxay
https://youtu.be/5jql7hX-6mo
Dec 6, 2016 - 19 Aragtiyood
Muqdisho (Kalshaale) Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa goor dhow ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Aqalka Hoose xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa helay 47 cod, halka Musharax la tartamayay Axmed Ismaaciil Xuseen uu helay 4 cod, Iyadoona Guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen natiijada doorashada.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu qabanayo Xarunta Gaadiidka Booliska, isagoo si kulul uga jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa in Xalane lagu qabto ” Doorashada halkan ayaa lagu qabanayaa oo ah meel Soomaali joogto oo aysan Ajnabi joogin, waxaa aad ugu faraxsanahay sida Ciidamada Amniga howlaha amniga u sii adkeynayaan” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.
Kalshaale.com







