12/03/2017 2,676 Views

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo dhawaan booqday Dekada macmalka ee Ceel macaan Islamarkaana sheegay in dib loo furaayo ayaa safarkiisa’ ka dib kulan qarsoodiya la qaatay Madaxweynaha Dowladda Feredaraalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Kulanka Dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Cosoble oo ahaay mid qarsoodiya aya loogu wada hadlay sidii loogu baaqsan lahaay ‘dib u howlgalinta dekada Macmalka ‘ ah ee Ceel macaan sida aan ilo wareedyo ku heleeyno Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa loo balan qaaday taas badalkeeda in dekada Muqdisho laga siin doono dhaqaalo bil walbo si joogta ‘ah.
Hadii dib loo howl galiyo Dekada Ceel macaan’ waxaa meesha ka baxaayo dhaqaalaha ‘Faraha badan ee Dowladda Fedaraalka ka soo galo’ Dekada Magaalada Muqdisho sidaas darteed Madaxweyne Farmaajo ma doonayo in la furo dekad Muqdisho ku dhow oo Maamul gobaleed dhaqaalaha ka soo xaroodo qaadanayo ayuu yiri mid ka mid ah Siyaasiyiinta oo shaaciye.com la hadlay.
Dhanka Kale qorshahaan halista ku ah dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle ka soo geli lahaay halkaasi lama ogo in aay wax ka og yahiin iyo in kale Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas.








