
Al-Shabaab oo la wareegay degmada Ceelbuur, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya
by A M | Monday, Apr 3, 2017 | 1036 views
Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Itoobiya ayaa saaka isaga baxay degmada, iyagoo u ruuqaansaday dhinaca degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud.
Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa xaqiijiyay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya, oo maalmihii u dambeeyay waday dhaq dhaqaaqyo ay uga baxayaan degmada.
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa meelaha aan sidaa uga fogeyn Ceelbuur ayaa gudaha u soo galay, waxaana degan xaalada degmada.
Ciidamada Itoobiya ayaa saddex sanno ka hor la wareegay degmada Ceelbuur, oo ah degmo istiraatiiji ah, kana mid aheyd degmooyinkii ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab.
Degmada Ceelbuur ayaa waxaa ka soo jeeda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waana degmadii u horeeyay ee ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo bishii February.





