Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta, kuwaasoo hada ah ciidan gaar ah oo aan ka amar qaadin Taliska Ciidanka xoogga dalka.
C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta aanay ka amar qaadan taliska Ciidanka Milateriga, isla markaana intii uu xilka hayay ay jireen caqabado dhex maray ciidamada ay tababareen Imaaraadka, Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, arrintaan ay sabab u aheyd is faham la’aan.
Xigasho Horufadhi Online



