Doodo ku saabsan maqaamka Muqdisho ayaa dhowaan lagu wadaa inuu ka dhaco Muqdisho, iyadoo arrinta maqaamka Muqdisho ay qeyb ka noqoneyso waxyaabaha looga hadlayo shirka London ee ajandaha dhanka siyaasada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada Beesha Mudullood oo caawa shirsan
by A M | Thursday, May 4, 2017 | 3385 views

May 04 (Jowhar)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo Xildhibaanada Beesha Mudullood u matala Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa caawa uu shir uga socdaa magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa ka socda Hotelka Global, waxaana gogosha dhigtay Xildhibaanad Drs Mina Xasan Shibis.
Kulankan ayaa ah kii u horeeyay ee dhex mara Guddoomiye Taabid iyo Xildhibaanada Mudullood, waxaana looga hadlayaa arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii xuquuqda Gobolka Banaadir loo raadin lahaa iyo maqaamka Caasimadda.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa tabashooyin beesha ka qabto hanaanka dowladda federaalka iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada Beesha.
Shalay ayay aheyd markii magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, xildhibaanada iyo odayaasha beesha Wacbuudhan, waxaana kulankan looga hadlay arrinta Gobolka Banaadir, sidii uu ula mid noqon lahaa gobolada kale ee dalka, matalaad gaarna u yeelan lahaa.
Doodo ku saabsan maqaamka Muqdisho ayaa dhowaan lagu wadaa inuu ka dhaco Muqdisho, iyadoo arrinta maqaamka Muqdisho ay qeyb ka noqoneyso waxyaabaha looga hadlayo shirka London ee ajandaha dhanka siyaasada.


