Postby bashe19 » Mon Mar 12, 2018 6:48 am
Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka dalka ka mamnuucaya shirkada DP World
By naciimo shiino - March 12, 20180155
Share on Facebook Tweet on Twitter
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerka Dhowrista Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya.
xeerkaan ayaa guud ahaan dalka ka mamnuucaya shirkada DP World, taas oo dhowaan maamulka Somaliland la gashay heshiis ku saabsan Dekada Barbara.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan War-saxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay in heshiiskaas uu yahay mid sharci daro ah.
Sidoo kale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay soo dhowaynayso shirkad iyo dal kasta oo doonaya inay maal gashi ku sameeyo Soomaaliya, laakiin loo baahanyahay in la soo maro wadada sharciga ah.