TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya waqtigan Soomaaliya oo ay u tahay 2dii habeenimo waxay sheegayaan in la maqlayo hub culus oo ah madaafiic aan waligeed la maqlin, taas oo ay adeegsanayaan ciidamada Difaaca ee Dawladda Puntland.
Madaafiicdan ayaa u muuqda kuwa lagu garaacaya difaacyada cadowga, waxaana gariirkooda si toos ah looga maqlayaa gudaha magaalada Laascanood.
Wariyaha Puntlabdtimes ee kusugan magaaladaas ayaa sheegay in shacabku argagax ka qaadeen hubka lamaqlayo saqda dhexe, waxayna muujiyeen sidda ay u dareensan yihiin ciidamadooda kusoo wajahan.
Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in 3dii saac ee lasoo dhaafay isbedelo waa weyn ay ka dhaceen safuufta maleeshiyaadka Somaliland ayna jiraan ciidamo taabacsanaa oo kasoo jeeda dhinaca Laascanood oo doonaya in ay kabaxaan.
Wararku waxay sheegayaan in wax badan isbedeli karaan saacadaha dhaw, waxaana xili kasta la filan karaa dagaal toos ah oo noqda kii ugu cuslaa ee dhaca.
Cabsi weyn ayaa soo wajahday maleeshiyaadka laga soo aruuriyey Hargeysa. Burco. Berbera iyo Boorama, waxaana qaarkod ay tan iyo shalay bilaabeen isku dayga in ay baxsadaan.
http://puntlandtimes.ca/2018/05/war-deg ... dambeeyey/
Kkkkk jeegaanta are fleeing more updates comin soon