Beelaha Hawiye oo Axmed Madoobe ogu Baaqay inu Katago Kismaayo, Jubbaland |
Beesha HG through Suldaan of Sacad rebukes the Hawiye conference held by the government and says we HG are Hawiye afhayeen and support Ahmed Madobe 100%
Suldaanka beesha Sacad Habargidir ,Suldaan Abdinasir Jamac Seed oo khatka telefoonka nagula soo xiriiray ayaa cambaareeyay shaqsiyaad calooshood u shaqeeystayaala oo shalay Muqdisho lagu aruurshay kuwaas oo caayey Madaxweyne Axmed Madoobe.
Suldaan Jamac Seed wuxuu shaqsiyaadkaas ku sheegay kuwa laga dhex hadlay oo aan ku hadli karin magaca beesha Hawiye.
Malaaqa beesha Mantaan Cabdulle ee Xamar iyo Xamardaye ayaa yiri " Shaqsiyaadkii fadlan ku shubo waxeey heleen shaqo, hadda waxeey caaynayaan Madaxweynaha Jubaland laakiin waxaan hubaa inuu Axmed Madoobe yahay geesi kelya adag oo aan dan ka laheyn dacaayadda la og yahay cidda lacagta ku bixineysa ee ku dhici weeysay iney Jubaland cag dhigto”
Sikastaba ha ahaatee, Odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa lagu wadaa iney Shiir Saxaafadeed weyn qabtaan kadibna si rasmiya ugu jawaabaan shaqsiyaad ku hadlay magaca Hawiye balse ah fadlan ku shubo lacag.