MD hore ee Somalia Xasan Sheekh oo safar ugu amba baxay dalka dibadiisa
October 5, 2018 - By: Abdirisak Faamoos
Shares
Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor sii horeysay oo maanta ah ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay si rasmi ah loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga Nabada iyo hormarka ayaa sheegay in lagu casuumay munaasabad ka dhaceysa Jaamacadda Oxford Union oo ku taalla dalka Ingiriiska, isla markaana uu laba toddobaad dalka ka maqnaan doono.
Waxa uu tilmaamay in Muqdisho uu ku soo laaban doono laba todobaad kadib marka uu soo dhameysto booqashada uu ku tagayo Britain, howsha xisbigana ay sii wadi doonaan xubnaha ku jira xisbiga.
Shalay ayay ahayd markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud loo doortay gudoomiyaha kumeel gaarka ee xisbiga la magac baxay Nabada iyo Horumarka.
Horseed Media 2018