Dekadii Boosaaso ninkii Gatay Sidee Mar labaad lagu Aamini Karaa!!!!.
Heshiiska Dekedda Bosaso oo aan Waxba ka Hirgelin iyo Waqtigiisa oo Dhamaad ah.
December 27, 2018
6 April 2017, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa shirkadda P&O Ports u saxiixay maamulka dekedda Bosaso kaddib heshiis ay ku kala saxiixdeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka madaxweynaha Puntland iyo madaxa Shirkadda Suldaan Axmed Bin Suleyman,iyadoo uu goob joog ah Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage.
Heshiiska oo laga qariyey bulshada Puntland, sida Madaxtooyada Warsaxaafadeed ku qornaa wuxuu dhignaa sidan: Shirkadda P&O Ports ee lagu wareejinayo maamulka dekedda Bosaso, waxay maamuli doonta 30-ka sano ee soo socota. Lacagta Maalgelinta dekadda waa $336 Milyan oo dollar, Wejiga koowaad 200 Milyan ayaa ku bixi doonta Wejiga labaadna 160 Milyan dollar. Dhismaha wuxu qaadanayaa 24 bilood oo ka bilaabaneysa maalinta Heshiiska la saxiixay (6-April-2017).
Shirkaddu waxay Dhisi doontaa deked cusub oo balaceedu yahay 450 Mitir iyo Hektar kale, Joogeeda hoosana 12 mitir, waxaa kale oo la dayactiraya dekedda hadda jirta, waxaa intaa dheer maalgashi xagga IT-ga ah iyo dhismaha Terminal, wiishash iyo arrimo kale. sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Shirkaddan P&O Ports, waxaa laga leeyahay Dubai, Imaaraadka, waxaa la asaasay 2006dii, suuqa ayey ka baxday, hantideeda waxaa kala wareegtay DP World, laakin hadda ayey dib u soo laabatay, waxay shaqadeedu tahay in ay ka shaqeysiiso dekedaha yar-yar iyo kuwa dhex- dhexaadka ah halka DP World ay qaabilsan tahay dekedaha caalamiga ah ee waa weyn.
Maxaa ka Hirgalay Heshiiskaan:
Waxaa C/weli Gaas diiday inuu heshiiska u soo bandhigo maamulkiisa, isimada puntland iyo dadka aqoonta ehelka u ah ee ka dalbay in Heshiiska uu dekedda kula soo galay shirkadaha shisheeye dib u eegis lagu sameeyo si waxa ka khaldan loo saxo madaama arrintu ay tahay arrin masiiri ah, arrintaasi waxay keentay inuu C/weli ka meermeero inuu heshiiska soo bandhigo taaso ku kalifay inuu Bosasaba iman waayo.
Dadweynaha Somaliyeed iyagoo diidan Heshiska lagu dhaxal wareejinayo dekedda Bosaso, waxay kaga horyimaadeen Mudahaarado isdaba joog ah oo dhimasho iyo dhaawac badaniba ka dhacay, arrintu iyadoo halkaa maraysa waxa soo dhex galay Isimada Puntland oo marin habaabiyey Halgankii Shacab weynaha iyagoo u ballan qaaday shacabkii Kacdoonka waday inay usoo bandhigi doonaan qoraalkii heshiis lala galay shirkadda P&O Ports (Dp World) ee Dekedda lagu wareejiyey.
Arrintaas isimadu waa ku guul daraysteen inay keenaan qoraalkii heshiiska taasi waxay sababtay in shacabku ka aamin baxo isimada iyagoo u filay in Gaas iyo Isimadu si hoose heshiis is af garad udhex maray dabadeeto shacabkii aamus loogu jawaabay marka halgankoodii la kala daadiyey.
Haddaba mudadii heshiiska oo ay ka dhiman tahay 3 bilood iyo 15 beri Maxaa Qabsoomay ??
Waxaa Hubanti ah in aan irbad dun la gelin balse ay shirkaduu la wareegtay Maamulkii iyo dakhligii dekedda, shirkaddu keensatay shaqaale la wareegay dakhligii dekedda oo dhan una xawila Dubai Dakhliga maalinlaha ah ee soo baxa, marka laga reebo gunnooyinka iyo mushaharkii ay siiyaan shaqaalaha iyo askarta ay meesha ugu yimaadeen.
Waxaa cad in Heshiiskii shirkadda C/weli la galay si toos ah (automatic) uu uga buray dhanka shirkadda P&O Ports (DP World), sababta ay u joogtana ay ku xiran tahay joogitaanka C/weli.
Xigasho wargeyska kaaha bari
