Ex madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Cadale

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3303
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Ex madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Cadale

Post by bashe19 »

Ex madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Cadale
By admin - March 19, 2019




Bismillah!

Ugu horeyn waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya qayba kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe in ay shuruud la’aan colaadda u joojiyaan, islamarkaana gartaan in dagaal uusan faa’iido u lahayn dadka wada dhashay ee ehelka ah iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.



Marka labaad waxaan bogaadinayaa dadaallada Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe ka socda ee ah in colaaddaas laga hortago, dadka walaalaha ee wax kala tabanaya khilaafkooda lagu xaliyo is afgarad iyo is qancin.

Ugu dambeyntii waxaan xusuusinayaa walaalaha dagaalamaya in dagaal qabiil natiijadiisa ay umaddan soo aragtay 28 sano kabadan, oo aan laga dhaxlin waxaan ahayn halaag iyo in aan umadaha kale ka harno, sidaa darteed walaalayaal aan Allah u laabanno meelna iska dhigno colaadda qabaliga ah, nabad iyo isku tanaasul walaaltinimana aan ku bedelno.

MAHADSANIDIIN
Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Ex madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay agagaarka Cadale

Post by Nubis »

Informative article.
Post Reply
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”