Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish” iyo guddigii uu u magacaabay ka shaqeynta furitaanka wadooyinka Muqdisho ayaa dejiyay qorshe lagu furi doono wadooyinka Muqdisho qaarkood.
Guddigaan ayaa soo jeediyay in magaalada Muqdisho in sideeda ay u sii xirnaato ilaa amar dambe balse la furo afar wado oo kaliya oo ay ka soo gaalaan gaadiidka iyo dadweynaha iyo goobaha hadda ka caagan gaadiidka oo dhan ee xaafadaha qaar.
Guddigaan ayaa isku raacay in laga soo bilaabo Mirinaayo ilaa Isbitaalka Digfeer laga furo laba kontarool oo kaliya oo ay ka soo galaan gaadiidka u soo gudbaya Xamar-wayne, KM4 iyo goobaha kale ee aan hadda loo gudbi karin. Sidoo kalane hal wado loo furo gaadiidka ka yimaada dhinaca Afgooye ee ka soo gala Zeybiyaano, iyo hal wado oo laga sameyn doono dhinaca Madiina.
waxaa la geyn doonaa Ciidamo Booliis ah oo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxaana loo qori doonaa lacag ka dheeraad ah mushaarka ay qaataan, sida ay ogaatay Caasimada Online.
“Gaari kasta waa soo geli doonaa balse waxa uu mari doonaa baaritaan dheer oo loo aeegsan doono qalab iyo ciidan xirfadeysan oo la siiyo mushaar ku fulin” ayuu yiri qof ka tirsan gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan la magacaabin.




