Postby Seedyare » Thu Dec 19, 2019 12:52 am
Arguably one of the greatest geraars of all time .Sayiyd .M.C.xasan recited this one for his xiin finiinn .The said combat tested horse belonged to the finest horse breed in Somalia called 'is-xal '
Xay guduudan la moodyow,
Xamar weeye korkiisu,
Waa xiddaayad sideedee,
ma xariir cusub baa?
Afku waa xol-xolkaasoo,
Ilka loo xanafeeyuu,
Xakamaa la dhacaayee,
ma xandaad bir tumaa?
Bacaarka xolkiisiyo,
sanka xiifta ka yeeri
Wiyil loo xanafeeyoo,
Xaryamaaya miyaa?
Hadduu qaylo xakaaraa,
Xaryankeeda dhegaysto,
Dheguhuu xukinaayo,
xawdh la taagay miyaa?
Surka xaafadda weynluu,
Xulkiyaa hojiyaa,
Xaddii weeye dhexaade,
Xakab loola miyaa?
Geedku waa xaasoowgaasoo,
waa xayaaba galbeedoo
Waa xareed midabkeede,
Xinni tay ah miyaa?
Dusha xaarad bannanoo,
Xasil loogu fariisto
Xagna looga dhacaynoo,
Xukumaysan miyaa?
Fanku waa xaraf weynoo,
Xawaal weeye korreysee
Gumburkii Xalimeed iyo,
Xaaridheer miyaa?
Qanaantuu xarfinaayoo,
Xiisaddeeda lulaayo
Xin xabbaas ka karaayiyo,
Xusur dheehan miyaa?
Haddaan xeebta ka fuulo,
Ximan reeraha yaal
Xigsintuu u tagaaye,
Xanfar duuli miyaa?
Anna lay xaradhaami,
Asna xerya ballaaran ,
Xariir loogu shubaaye,
Xilka-dhawrsi miyaa?
Haddaan qoofal xigoodaa,
Xaafidaad ugu dhaado
Xurguftuu dhutiyaayo,
Naafo xuurrin miyaa?
Haddii layga xubeero,
Xididdow bixin maayaan
Xabeebtiisa ku raagiye,
Xabbadkayga miyaa?
Xaya waaga salaadda,
Haddaan oodda ka xaydo
Xareedkuu gurxamaayo,
Ma Iiddoor xuja laa?
Haddaan guuro xabiirro,
Xawaadeenka dhacaayuu
Xijaab iiga dhigaaye,
Xuddur awdan miyaa?
Haddaan xuurto baqoollo,
Xor dallaala sideeduu
Xanfigiigga ceshaaye,
Xaaxi layra miyaa?
Xiito meelay ka fooftay,
haddii weerar la xuubsho
Waa xufoo lama gaaree,
Ma dhashii IS-XUL baa?
Hadduu xoolo gelaayo,
Magaan waa xannibaado
Xarraan waa isxiraaye,
Xiddig duusha miyaa?
Taxaabaa ima xiisoo,
Dibna iima xabbaasoo
Horuu ii xorxoraayee,
Ma xayuunta baraa?
Goortuu soo xaryamaayo,
Xayigii daba jooguu
Xalqadeen ku dilaaye,
Ma wad loo xukumaa?
Hadduu soo xallinaayo,
Xiiso aan u qabnaa baan
Loogu xeebanayaaye,
Ma xays noo da’ay baa?