Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

IC told to Muse Bihi to work with Mogadishu

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3154
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

IC told to Muse Bihi to work with Mogadishu

Postby bashe19 » Fri Dec 20, 2019 12:32 pm

Hargeysa(HWN):-Tan iyo wakhtigii uu Muuse Biixi hogaanka u qabtay talada somaliland waxa soo noq noqonayey kulamada ay la yeelanayaan safiirada ka socda beesha caalamka ee somaliland ka taageera doorashooyinka iyo horumarka.




Kulamadii ugu dambeeyey ee weftiga beesha caalamku ay la yeesheen madaxda dawlada somaliland waxa uu banaanka soo dhigay faraqa u dhaxeeya kulamada ay la kala yeeshaan madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.



Natiijada sawirka farmaajo iyo muuse biixi







Marka la eego socdaaladii ugu dambeeyey ee weftiga beesha caalamku ku imanayeen somaliland, waxa muuqata inuu isbadal ku yimid meeqaamka ay markii hore ku iman jireen iyada oo uu haatan jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid heerkii iyo ujeedooyinkii ay u iman jireen somaliland.




Weftiyada beesha caalamka ee waayadii ka horeeyey xukunka Muuse Biixi iman jiray somaliland waxa ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayeen inay markhaati ka noqdaan horumarka ay gaadhayso somaliland ee dhinacyada doorashooyinka, dhaqaalaha iyo inay kor u qaadaan xidhiidhka somaliland iyo wadamada kale.




Socdaaladii ugu dambeeyey ee weftiga beesha caalamku ku imanayeen somaliland ayaa gabi ahaanba ka duwan kuwii hore, waxaanay haatan madaxweynaha somaliland kala hadlaan isla markaana ka dalbadaan inuu raaco sharciga dalka oo uu yareeyo khilaafka u dhaxeeya xisbiyada mucaaridka, taas oo daaha ka qaadaysa sida ay hoos ugu dhacday sumcadii somaliland maadaama oo ay qodobadan kala hadlaan hogaamiyeyaasha maamul goboleedyada soomaaliya taasna ay keentay ka dib markii Muuse Biixi uu u dhaqmay sidii hogaamiye maamul goboleed oo kale.




Dhinaca kale safiirada beesha caalamka ayaa madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo marka ay la kulmaan kala hadla maamul daadejinta soomaaliya, horumarka laga gaadhay siyaasada iyo mashaariicda horumarineed, waxaana xusid mudan in weftiyada caalamka aanay madaxweyne Farmaajo marna kala hadal inuu dhawro sharciyada dalkiisa u yaala.




Sidoo kale madaxda maamul goboleedyada soomaaliya ayey weftiyada beesha caalamku ka dalbadaan inay la shaqeeyaan dawlada federaalka ah isla markaana ay yareeyaan khilaafka soo noq noqda ee u dhaxeeya, halka ay somaliland-na Muuse Biixi u soo jeediyaan inuu sharciga dhawro isla markaana uu la shaqeeyo xisbiyada mucaaridka ah oo diyaar u ah doorasho dalka ka dhacda.




Sidoo kale waxa xusid mudan in weftiyada beesha caalamku ay mucaaridka Soomaaliya ka codsadaan inay dawlada la shaqeeyaan halka ay somaliland-na dawlada u soo jeedinayaan inay mucaaridka la shaqayso.




Sababaha ugu waa weyn ee keenay kala duwaanshiyaha u dhaxeeya qaababka ay weftiyada beesha caalamku ula dhaqmayaan madaxweyne Farmaajo iyo Hogaamiye Muuse Biixi ayaa lagu tilmaami karaa kala duwaanshiyaha fulinta sharciga oo ay labada dal ku kala tageen.




Dhinaca soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaar u ah inuu raaco sharciga isla markaana ka dheeraado talaabo kasta oo sharciga ka hor imanaysa taas badalkeedana hogaamiye Muuse Biixi ayaa u muuqda mid sharciga ku tumanaya oo doonaya inuu abuuro khilaafyo sharciga ka hor imanaya oo caqabad ku noqonaya doorashooyinka, dimuqraadiyada iyo horumarka somaliland, taas oo keentay in beesha caalamka ay mar kasta ka codsadaan inuu ku soo noqdo xayndaabka sharciga.

Marka laysku sooduubo haddii ay sii socdaan dhaqanada sharciga ka hor imanaya ee Muuse Biixi uu ku maamulayo somaliland iyo tumashada sharcigu waxay horseedi doontaa in beesha caalamku ay xidhiidhka u jarto somaliland isla markaana ay ka goyso taageerada ay ka siiso qabsoomida doorashooyinka taas badalkeedana ay xoojiyaan taageerada dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee ay siiyaan somaliya, taas oo ugu dambayna go’doon siyaasadeed gelin doonta somaliland.

Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: IC told to Muse Bihi to work with Mogadishu

Postby Nubis » Fri Dec 20, 2019 5:28 pm

Insightful.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 14 guests

cron