Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Faramaajo outsmart reer goboleeds

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7664
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby Smile-LiKe-SuN-RiSE » Tue Jun 30, 2020 8:03 pm

I am impressed :Obama:
I won’t say much..dadka qaarkood qaras ina ku kicyo marabo.

Happy Independence Day :som:

Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3844
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby Nubis » Wed Jul 01, 2020 12:30 am

:up:

User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8460
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby LeJusticier » Wed Jul 01, 2020 1:13 am

I am impressed :Obama:
I won’t say much..dadka qaarkood qaras ina ku kicyo marabo.

Happy Independence Day :som:
I agree he outsmarted the maamul gobeeled which is good but I dont agree with you celebrating 1 luulyo qaras kugu dhacyee. There is nothing to celebrate as long national army are AMISON, your president, parliament are not elected but selected by donor and outside actors.


gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6000
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K
Contact:

Re: Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby gobdoon » Wed Jul 01, 2020 8:41 am

It's a fact there is nothing to celebrate and people who died and she'd their blood would not be happy we don't produce good people with good vision any more
AUN naxariista halgamayashi, aabayashi, Somalina alaha so hanuuniyo ku dhegenanta iyo cabudida qabiil, marka qabiilkaga ka hor mariso qarankeena wax fiican ma aha, mana aha wax qof meel for wax ka arka sameeyo ee wa Shaqo mangaab
Heesta maxay ahayd Aan Maalno Hasheena Mandeeq

User avatar
LeJusticier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8460
Joined: Wed Jun 05, 2013 5:36 pm
Location: base of sufism. Imam Le Justicier ...Xerta Dareenka

Re: Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby LeJusticier » Wed Jul 01, 2020 10:19 am

Heesta an maalo hasheena maandeeq xitaa dadku qlad bay ka fahmeen macneheeda

Aan Maalno Hasheena Maandeeq
============================
1959 kii, Riwaayaddii uu alifay abwaanka weyn ee Saxardiid Maxamuud Cilmi (Jabiye), ee Hal-ku-dheggeedu ahaa, 'Gar Diid Waa Alla Diid' ... waxay ahayd saadaal ku saabsanayd doorashada Baarlamanka ee la qaban doono 17/Feb/1960, iyo xoriyadda la qaadan doono 26/June/1960. Abwaanku waxa uu sii saadaaliyay in ay mataanoobi doonaan Xisbigii Jeegaanta ee USP iyo Xisbigii SNL. Sidoo kale in Xisbiga NUF uu heli doono uun hal kursi oo keliya. Jilayaasha Riwaayaddaasi waxay kala ahaayeen:
1) Abwaan Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas)
2) Abwaan Saxariid Maxamuud Cilmi (Jabiye)
3) Aabihii Fanka C/laahi Qarshe
4) Maxamed Axmed Kuluc
5) Maxamed Yuusuf Cabdi
6) Xasan Cali Gidhin
7) Cabdillaahi Cumar Cunaaye
8) Maxamed Xasan (Baaniyaal)
9) Sahra Iftin
10) Xasan Cabdillaahi (Jeena Cadde).
Heesta tis-qaadday ee ku jirtay Riwaayaddaas waxay ahayd heestii 'Aan Maalo Hasheena Maandeeq'. haddaba waxay Somalidu qalad ka fahmeen, ama ay dhalan rogeen ereyada ahaa: "Maantay Curatayooy Mataanaysay". Waxay u beddaleen: "Maantay Curatayooy Mataano Dhashay". Ujeeddada ereyadaasi may ahayn Somalia iyo Somaliland oo is raacaya. Xaasha! oo arrinkaasi, hiyigaba laguma hayn markaas oo ahayd 1959 kii. Waxa uu Abwaanku saadaaliyay is-raaca USP iyo SNL oo xoriyad doonkii ku mataanoobay.
Riwaayaddan oo haddana laga dhigay Caasimaddii Cadan ee dalka Yaman, ayay Reer cadmeedkii ula baxeen, Naaqatal Xoriyah. Oo ay ka wadaan Hasheena Maandeeq. Heestan waxaa ugu horreyn ku luuqeeyay Maxamad Axmed Kuluc, oo xijaabtay 17/Jan/2015. Allah haw naxariisto:
Ma jiro maanta midab gumaysigiiyoo
Xidigtaa muuqatay, na meeydhaantee (na beddeshay)
Waa maalin hor-loon i soo marine
Aan maalno hasheena maandeeq
Ma goowdoo candhadii golaha marisayee
Aan maalno hasheena maandeeq
Dhaaxaan murugiyo cadaadis u mutaye
Waa maalin Ilahay oo magac lehe
Aan maalno hasheena maandeeq
Ma goowdoo candhadii golaha marisayee
Aan maalno hasheena maan deeq
Dhaaxaan miris iyo haraad u mutaye
Waa maalin duciyo bil moowliide
Aan maalno hasheena maandeeq
Ma goowdo candhadii gollaha marisaye
Aan maalno hasheena maan deeq
War-mooge ha yidhaahdo waa ma-jirtee
Waa maalin muraniyo makeeki hadhee
Aan maalno hasheena maan deeq
Ma gowdoo candhadii gollaha marisaye
Aan maalno hasheena maan deeq
Waa maalin Saxeexu maareeyee
Maanteey curatooy mataanaysee
Aan maalno hasheena maan deeq
Ma goowdoo candhadii gollaha marisayee
Aan maalno hasheena maan deeq
Dhaaxaan murugiyo rasaas u maree
Waa maalin cadoon madowbeeyne
Aan maalno hasheena maan deeq
Ma goowdoo candhadii gollaha marisayee
Aan maalno hasheena maan deeq
Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Baasarce (Balaayo Cas) ayaa, ayaa, maalin maalmaha ka mida, u yimid saaxiibkii Abwaan Saxariid Maxamuud Cilmi (Jabiye). Waxaanu ku yidhi isagoo la kaftamaya: “Waaryaahe Saxardiid, anna gumeysigii baan ka ciishoonayay, oo waataan lahaa:
Hooyadey gacalaa afka uun garata
Ubadna ma gardaadsadoo magartee
Guracaa dheeri waa gumaysiga
“Adna waa adigan bidhaamaye, nuuraya ee case, anna waa i kan, oo xididkii uun baa igu sii jiree … Tacadigii iyo murugadii gumaysigaan la xanuunsanayaa. Bal waxaad adigu sidan u noqotay, anna sidan ii galay, hees iigu sheeg; Ileen gumaysigii ayaynu kawada gabyaynee … Immikadan hees iigu sheeg sababta ina kala duwday!”
Markaas ayuu gartay Abwaan Saxardiid Jabiye, in Abwaan Barkhad Cas uu isaga tijaabinayo. Dabadeeto wuxuu ku jawaabay Abwaan Jabiye, gole-ka-fuul u dhacay sidan:
Bilicda hilibka iyo bidhaanta ha arkine
Bukaanku dadka waa nimuu bararshiyo
Nimuu baaxadiisa kala jaree
Balaayoy naftaada ha baqa galin
Halkaa ku bugta ana i belalshoo
Beerkiyo wadnahaysu baaqaayee
Balaayooy naftaada ha baqa galin
Inaad bari dhaw bul adag noqoto
Balan baan kuugu qaaday adoo bogsadoo
Birtiyo calankaa buruud kuu sidee
Balaayooy naftaada ha baqa galin
Kolkaasuu intuu soo kacay Abwaan Barkhad Cas, ayuu gacan qaaday Abwaan Saxardiid (Jabiye), isaga oo ku dhawaaqaya: “Wakaas oo, Wallaahi, in aanan dhimanayn ilaa aan calanka arko.”
Allah haw naxariistee, wuxuu dhintay Abwaan Barkhad Cas 1963kii, isaga oo Calanka arkay oo wax-ka-saaray calankii.

gobdoon
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6000
Joined: Sun May 27, 2001 7:00 pm
Location: LONDON,U,K
Contact:

Re: Faramaajo outsmart reer goboleeds

Postby gobdoon » Wed Jul 01, 2020 12:16 pm

Hees macan oo qiiro leh, calanka la saaray 26 June oo malinta la taagey dad ba ku caasiyey ka abaal dhacay oo maanta aan arki karin asagayna wax ku noqdeen


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests