Gaarhaye unfollow aan dhahay mar hore filinkiisa waa Al majeerteeniyah laakin maantaan fiiriyay 10 kii bisha uu soo qoray hadal aan shantii bisha soo qoray. Ciidamadii Eritrea jiray oo Xeebaha South Central Somalia Al Shabaab looga sifeynayo From Galmudug to JL. الحرب النفطية بدأت dagaakii shidaalka waa biloowdey!
"Coastline exploration v coastline explosion (Raaskaambooni to Hobyo)! Itoobiya iyo Kenya ood mooddo iney Shabaab u shideen nal cagaaran, shibna ka dhaheen sheekada Gurguurte: saan u qaadanno qandaraaska shidaalka waa inaan Shabaab qaqabanno!
Waxaa la oran jiray sahmiyuhu uma been sheego ehelkii laakiin Sahan Research waa u been guureen Damu Jadiid! "Soowtii la isku ogaa in dagaalka argagixisadu yahay mid caalami ah?" Maxaa kusoo koobay Damu Jadiid, Sahan Research, iyo xoogag qarsoon!
Indhooloow maqal, dhagoolow arag, dagaalka Gurguurte u iclaamiyey Shabaab wuxuu daaran yahay shirkaddii Soma oil/Coastline Exploration ee Xasan sheekh u wakiishay Xasan Cali Kheyrre 2013! Markaas safiirka xukuumadda Gurguurte u fadhiyey UK wuxuu ahaa Sanbaloolshe, wasiirka batroolkana waxaa ahaa isla C/Risaaq Cumarka hadda ah!
Qorshuhu wuxuu yahay in Hawiye loo tumo durbaan la leeyahay waxaa lagula dagaalayaa Shabaab deedna dagaal galaan! Sida shirkaddu soo bandhigtay waxay ka hadleysaa baloogyo laga sameeyey laga soo bilaabo Raaskaambooni ilaa Hobyo! Marka laga reebo Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa loo baahday Jubbaland iyo Koonfur Galbeed! Waa hala rooro baan run mooday! Axmed-madoobe oo dhagaxiran baa fagtii hore rumeystay saaxiibbadiis Damu Jadiid! Lafta Gareen waxaad mooddaa inuu filim la jilayo Gurguurte!
Horta Macawisleyda waa loo garaabayaa oo eed kuma leh dagaalka la bilaabay. Marka koowaad waxaa si xun ula dhaqmay Shabaabka. Tan labaadna waa dad aan la socon Soma oil iyo calooshood-u-shaqeystayaasha Soomaaliyeed!
Gurguurte wuxuusan fahmin in kheyraadka Soomaaliya ay wada ilaashanayaan gaalo cad iyo kuwo madoowba. Kenya oo gumanatoore u joogo Kismaayo; Itoobiya oo kuwa badan ku leh Soomaaliya in Gurguurte wuxuu rabo iska sameeyo kama yeelayaan! Waa run oo waddanka innagaa lehe ee innagu kuwamaan nahay? Soow in badan oo naga mid ah uma shaqeeyaan shisheeye! Ma Hawiye keliyuu Xasan ku wajahayaa xaaladdaas?!
Arrintaas darteed waxay u dhowdahay in Kenya iyo Itoobiya hakinayaan la-dagaalanka Shabaab si Shabaabku iskaga ceshaan colka Xasan soo dumay!
Soomaali indho adakaa! Ma Sanbalooshihii wixii la ogeyd sameeyey baa inta nasoo hor istaago ka hadlaya is-caawin Soomaaliyeed?! Xawaadle ma waayey qof aan Sabaloolshe ahayn oo u hadla? Horta faraq weyn baa u dhaxeeya waaqico (battle) iyo dagaal (xarbi/war)! Goob iyo goobo la isku jabiyo waa kala duwan yihiin dagaal. Dagaalku waa dabo dheeraan karaa!
Waxaad mooddaa in Xasan Cali Kheyrre oo Gurguurte la ogaa arrinta Soma Oil uusan rabin in Mururusade la gasho dagaalkaas. Dudublane waa arkaa! Abgaal badanna waa arkaan!
Ciddii fahmi weyda waxaan ka sheegeynno Kenya iyo Itoobiya bal ha arkeen Axmed-madoobe oo sida Jeyte iyo Sanbaloolshe wada abaabul heer sare ah! Ama Lafra Gareen oo jilidda runrun u beddela!
Shaki iigama jiro in Shabaabku fahmeen baaqyada ay Abiy iyo Ruto diranayaan sidaas darteed colka Gurguurte dumayo waxay u wajahayaan si daran!
Gurguurte oo Badbaado Qaran isku wadan waayey iskaba daa N&N suurtogal maaha inuu guul lagu naaloodo ka gaaro la-dagaalka Shabaab! Sidaan Farmaajo ugu sheegnnay inuu ahaa shimbir dab qaadday oo waxaan colaad ahayn usoo jiidin tolkiis ayaa Gurguurte qori gaas ah gelin doonaa guriguu ku dhashay iyo gacalkiis! Waxaa laga hadlayaa Coastline Exploration ee waxay u dhowdahay in la arko Coastline Explosion!"
https://www.facebook.com/24336236635289 ... ihHPfQd9l/