Mogadishu - 27-December -2006-Allceeldheer.com Dagaalo qaraar oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose, iyadoo dagaalkaasi uu dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda Ethiopia ee difaacaya dowladda Somalia.
Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Leego, iyadoo ay adag tahay in la helo xog faahfaahsan oo tilmaameysa qasaaraha dhacay.
Dagaaladaan ayaa ah kuwo maalintii 9aad socdo, iyadoo maxkamadaha islaamka ay isaga soo baxeen gobolada dhexe ee Somalia, ka dib markii looga adkaaday dagaalo ka dhacay Bandiiradleey, iyadoo laakiin maxkamadaha ay ku gacan seyreen in laga adkaaday , balse xeelad dagaal ay uga soo baxeen gobolada dhexe.
Dagaaladaan u dhaxeeya maxkamadaha islaamka Somalia iyo ciidamada dowladda Ethiopia oo kaashanaya kuwa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay ku naf waayeen kumanaan.
Xafiiska wararka Allceeldheer London




