Ciidamada maxkamadaha oo faarujiyay Kismaayo iyo Jilib
Mogadishu 01, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Ciidamadii maxkamadaha islaamka ayaa isaga baxay magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib, iyadoo ciidamada dowladda Ethiopia iyo kuwa dowladda ay la wareegeen magaalada Jilib, una sii ruuqaansaday magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan qaban qaabo loogu jiro soo dhaweyntooda.
Dagaalo saacado socday ka dib oo la isku habeensaday oo shalay magaalada Jilib ku dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda Somalia ayaa aaqiritaankii waxa ay bilaabeen xoogagga maxkamadaha islaamka in ay isaga baxaan magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib.
Lama oga wali halka ay baxsadeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo Mas'uuliyiintooda, oo faarujiyay magaaladaasi xalay.
Laakiin warar ayaa waxa ay sheegayaan in xoogaggii maxkamadaha islaamka ay sii dhaafeen dhinaca deegaanka Buulo Gaduud oo galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.
Maleeshiyooyin iskood isku abaabulay oo deegaanka ah ayaa la wareegay dekedda iyo Airaporka Kismaayo si ay u sugaan amaanka, isla markaana ay ka hortagaan boob iyo bililiqo halkaasi ka dhacda.
Ciidamada maxkamadaha islaamka ayaa waxa ay uga tageen magaalada Kismaayo hal gaari oo zuu ah oo uu saaran yahay qoryaha lidka diyaaradaha iyo baabuur yaryar oo ah kuwa lagu socdaalo.
Boqolaal dad ah oo wata boorar iyo calanka dalka Somalia ayaa isugu soo baxay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ku faraxsan ka bixitaanka maxkamadaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale dadku ay isku diyaarinayaan soo dhaweynta ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee halkaasi ku wajahan maanta.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethipooia ayaa waxa ay ku sugan yihiin magaalada Jilib, kuwaasi oo maanta isku qaban qaabinaya in ay galaan magaalada Kismaayo.
24 kii bishii September ee sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada maxkamadaha islaamka ay qabsadeen magaalada Jilib, oo uu maamulayay Isbaheysigii D/jubba oo uu madaxda ka ahaa Col. Barre Hiiraale.
Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa marka ay qabsadeen magaalada Kismaayo waxa ay ku soo rogeen xukunno adag, iyadoo laga mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga sigaarka iyo qaadka iyo daaqashada aflaanta
Farxaan Lafoole
Shabelle Media Network Kismaayo
E-mail us:
info@shabelle.netShabelle news in English
© 2005 Shabelle Media Network All Rights Reserved, Designed by: Baabul
1